Wasaardda Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Kulan Dhiiri Galin Ah Uqabatay Kooxda Ku Ciyaarta Magaca Wasaaradda

0
Sunday April 27, 2014 - 20:10:49 in by salman abdi
  • Visits: 1017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaardda Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Kulan Dhiiri Galin Ah Uqabatay Kooxda Ku Ciyaarta Magaca Wasaaradda

    Wasiirka Wasaaradda Duulista hawadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa habeenkii xalay xaflad casho sharaf ah u sameeyay kooxda xidigaha cirka oo ku ciyaara magaca wasaaradda duulista.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Duulista hawadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa habeenkii xalay xaflad casho sharaf ah u sameeyay kooxda xidigaha cirka oo ku ciyaara magaca wasaaradda duulista.

Munaasibadan oo ujeedadeedu daaranayd in ay sidii loo dhiiri galin lahaa Ciyaartoyga kooxdaasi ayaa waxa ay ka qabsoontay Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeysa waxana goob joog ka ahaa, Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Cumar Sayid, iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada dhalinyarada & ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye.

Kooxda xidigaha cirka

Gudoomiyaha ee kooxdaasi Cumar Cabdi Aadan, ayaa wasiirka warbixin ka siiyey heerka kooxda Xidiga Cirka ee wakhtigan waxana uu yidhi " mudadii aanu joognay Wasiir wax badan ayaa noo qabsmoomay, kooxdanina waa kooxdii ku guulaysatay koobkii horyaalka Kooxaha heerka 1-aad ee Somaliland ee sanadkii hore, imikana waxaanu diyaar u nahay sanadkan, maanta halka ay maryaso kooxdu waa mid aanu aad ugu farax san nahay, waxana aanu rajaynaa in aanu guulo weyn gaadhno, waxaanu kaaga mahad celinayaa wasiir taageerada aad mar walba nala garab joogto, kooxdani wasiir waxa Astaan u ah akhlaaq iyo ciyaar wadaag maadaam aanu sidano magacii wasaaradda duulista.”

Gudoomiayaha Kooxda ayaa sidoo kalena intaas ku daray " Wasiir waxaanu nasiib u helay inaanu noqono kooxdii ugu horaysay ee heshay garoon tababar oo iyaga oo khaas ah, arintaas si weyn ayaanu ugu mahad celinayaa Masuuliyiinta wasaaradda iyo Maamulka madaarka ee naga caawiyey hir ggalinta garoonkaasi, waxa kale oo intii aanu jooognay aanu xooga saarnay in aanu kooxda ku soo kordhino dhiig cusub iyo ciyaartoy xirfad leh, waayo waxaanu ku soo began nahay iyada oo ay kooxda ilaa afar ciyaartoy ay ka tageen, waxaanu soo kordhinay todoba ciyaartoy oo caawa inala jooga, sadex aanu ka keenay kooxda Gaashaan, oo kale ah Farxaan Bookh, Ayaanle Galbeedi iyo Khaalid, sadex ciyaartay oo aanu ka keenay kooxda Ciidanka Asluubta oo kale ah Gool wadihii Buuhoodle Boqole, oo ka mida Goolwadayaasha ugu fiican, iyo Fadxi iyo Khadar, waxa kale oo inala jooga Cumar oo isna ka yimid kooxda Wasaaradda ganacsiga, ragaasi dhamaantood Wasiir waa rag heer gobol ah, kooxdeedanu waxay noqotay kooxdii ugu ciyaartoyga badnayd koobkii Ciyaaraha Gobolada.”

Agaasimaha guud ee Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa wax auu yidhi " Wasiirka waanu uga mahad celinayaa munaasibadan, caawa waxaan aad ugu farax sanahay in wax badan oo kooxdan iyo dhalinyarada Somaliland ay tabanaysay ay dalkeenii ka aas-aasmeen in badan ayaanu ku fakari jirnay in la samaayo nidaam joogto ah oo Sporti, wasiirku waakan raadiya shahaado aqoonsi oo madaarkeenu helo, wasiir kooxdanina waxay doonaysay inay aqoonsigaas oo kale hesho, sadex qodob oo waaweyn oo taasi kaga xidhaynaa ayaa waxaan ku farax sanahay inay caawa heleen, oo kale ah inay kooxdu hesho garoon ciyaareed oo u gaar ah, sharci ay u aas aasan tahay iyo inay kooxdu ciyaartoyageena heshiis kula jirto, sadexaas qodob waan ku hambalyeynayaa kooxdani.”

Agaasimaha guud ee Wasaarada duulista Md. Cumar Cabdilaahi Aadan oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa ciyaartoyga kooxda kubada cagta ee xidigaha Cirka ku amaanay kaalinta firfircoon ee ay kaga jiraan tartarna ciyaaraha dalka.

Wasiirka Duulista iyo Hawadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna kulankaasi cashada ah ka hadlay ayaa Ciyaartoyaga kooxda xidigaha cirka oo ku ciyaara magaca wasaaradda duulista ku hambalyey sida ay hawlahooda u wataan, isaga oo sidoo kalena ku dhiiri galinayey inay dardar galinayaa dadaalkooda.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena kooxda xidigaha circa, ku bogaadiyey inay dadaal dheerad ah u samaayeen sidii ay u hanan lahayeen horyaalka Kooxaha heerka 1-aad ee Somaliland oo dhawaan la qaban doono.

Xigasho:Somaliland.Org