WAR-DEG-DEG AH- XASAN GAADHAAFI OO SHIR ALBAABADU U XIDHNAAYEEN KAGA TANAASULAY MURASHAXNIMADII GUDDOOMIYE-KU-XIGEENKA 1AAD EE KULMIYE

0
Monday April 28, 2014 - 07:17:35 in by salman abdi
  • Visits: 883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR-DEG-DEG AH- XASAN GAADHAAFI OO SHIR ALBAABADU U XIDHNAAYEEN KAGA TANAASULAY MURASHAXNIMADII GUDDOOMIYE-KU-XIGEENKA 1AAD EE KULMIYE

    Kulan gaar ah oo aan saxaafadda loo ogolayn oo lagu dhexdhexaadinayay Xasan Gaafaadhi iyo Maxamed Kaahin Axmed oo caawa lagu qabtay Hutel ambassador,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan gaar ah oo aan saxaafadda loo ogolayn oo lagu dhexdhexaadinayay Xasan Gaafaadhi iyo Maxamed Kaahin Axmed oo caawa lagu qabtay Hutel ambassador,

 ee magaalada Hargeysa, ayuu Xasan Maxameda Cali ku ogolaaday in uu Maxamed Kaahin Axmed Uga tanaasulay musharaxnimadii Guddoomiye ku xugeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE, oo uu hore u shaaciyay in uu u tartami doono, sidaana waxa noo xaqiijiyay Illo wareedyo lagu kalsoon yahay oo goob jog ka ahaa kulankaa.

Kulankan dhexdhexaadinta ah oo ay ka soo qeyb galeen, Wasiiro, Salaadiin, Xildhibaano, iyo Odayaal, ayaa wadahadal iyo naaqishaad dheer oo dhexdhexaadin ah kaddib, uu Xasan Gaafaadhi, ka xaqiijiyay in uu uga tanaasulay tartankii musharaxnimadda ee uuhore u bayaamiyay in uu u taagan yahay booska uu xisbiga kulmiye ka hayo Muj Maxamed Kaahin Axmed.

 

Sidoo kale, tanaasulida Xasan Gaafaadhi kaddib, Muj Maxamamed Kaahin Axmmed ayaa madashii dhexdhexaadinta horteeda caawa ku gacan qaaday Xasan Gaafaadhi, waxaana la filayaa in Xasan Gaafaadhi, uu maalinta beri ah oo la filayo in uu furmayo Shir-weynaha Seddexaad ee xisbiga KULMIYE, uu si rasmi ah ugaga dhawaaqi doono tanaasulidiisa.

Xasan gaafaadhi, oo ahaa Guddoomiyihii Urrur siyaasadeedkii ku hadhay doorashooyinkii golaha deegaanka, eek u biiray xisbul xaakimka kulmiye


Afkashacabka.com

Hargaysa/Office

contact@afkashacabka.com