Maxkamada Gobolka Hargaysa Oo Mudaysay Dhagaysiga Dacwada Loo Haysto Masuuliyiinta Wargayska Haatuf.

0
Monday April 28, 2014 - 11:37:45 in by salman abdi
  • Visits: 835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada Gobolka Hargaysa Oo Mudaysay Dhagaysiga Dacwada Loo Haysto Masuuliyiinta Wargayska Haatuf.

    Maxkamadda Gobolka Hargeysa, Ayaa Soo Saartay Qoraal Lagu Muddeeyey Dhegaysiga Dacwadda Loo Haysto Guddoomiyaha Iyo Tifaftiraha Guud Ee Wargeyska Xayiran Ee Haatuf – Mr. Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo Axmed Cali Cige.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Gobolka Hargeysa, Ayaa Soo Saartay Qoraal Lagu Muddeeyey Dhegaysiga Dacwadda Loo Haysto Guddoomiyaha Iyo Tifaftiraha Guud Ee Wargeyska Xayiran Ee Haatuf – Mr. Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo Axmed Cali Cige.


Garyaqaan Jamaal Axmed Maxamed (Cago-Weyne) Oo Ka Mid Ah Garsoorayaasha Maxkamadda Gobolka Hargeysa, Ayaa Qoraal Baafin Ah Oo Uu Soo Saaray Ku Sheegay In Dhegaysiga Dacwadda Wargeyska Haatuf La Gudo-Geli Doono 4 May 2014 Oo Ku Beegan Axadda Toddobaadka Dambe, Iyadoo Masuuliyiinta Wargeyskooda La Xayiran Lagu Amray Inay Ka Qaybgalaan Dhegaysiga Dacwadda Ciqaabta Ah Ee Loo Haysto.

"Dhibbane: Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Dhibbaneyaal

Eedeysaneyaal 1 – Yuusuf Cabdi Gaboobe (Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf)

2 – Axmed Cali Cige (Tifaftiraha Wargeyska Haatuf)

Ku Eedaysan Qoddobadda 287, 215, 328, 269 (2), 451 (3), 45, 44 71 XCG.

Ujeeddo: Baafin Eedaysaneyaal

Maxkamadda Gobolka Hargeysa, Iyada Oo Tixraacaysa Gal-Dacwadeedka Summaddiisu Sare Ku Xusan Yahay Ee Ka Dhexeeyay Labada Dhinac Ee Sare Ku Xusan, Waxay U Muddaysay Maxkamaddu Maalinta Axadda Ah Ee Taariikhdu Tahay 04/05/2014, Markay Saacaddu Tahay 9:00 Subaxnimo. Waxa La Amrayaa Eedaysaneyaasha Inay Ka Soo Qaybgalaan Dacwadda Ciqaabta Ah Ee Summadeedu Sare Ku Xusan Tahay.

Sidaa Darteed, Waxa La Farayaa Eedaysaneyaasha Inay Dhawraan Waqtiga Iyo Saacadda Loo Qabtay,” Ayuu Garsoore Caga-Weyne Ku Yidhi Qoraalkiisa.


AFKASHACABKA.COM
hARGAYSA/OFFICE
CONTACT@AFKASHACABKA.COM