Hawlgalo Lagu Sifaynayay Koox Hubaysan Oo Gudaha Ugashay Hoteel Wayn Oo Ku Yaala Mali

0
Saturday November 21, 2015 - 16:55:14 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hawlgalo Lagu Sifaynayay Koox Hubaysan Oo Gudaha Ugashay Hoteel Wayn Oo Ku Yaala Mali

    Weerar ay fuliyeen koox xagjiriin ah oo afduub u qabsatay 170 qof oo deganeyd hoteelka Radisson Blue ee magaalada Bamako ayaa la soo afjaray, sida ay sheegayaan xubno Mareykan ah. Golaha amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa weerarkaasi cambaareeyay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar ay fuliyeen koox xagjiriin ah oo afduub u qabsatay 170 qof oo deganeyd hoteelka Radisson Blue ee magaalada Bamako ayaa la soo afjaray, sida ay sheegayaan xubno Mareykan ah. Golaha amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa weerarkaasi cambaareeyay, Dowladda mali waxa ay sheegeysaan In ayna jirin dad kale oo kooxda ay haysato, welina la baacsanaayo.


Dowladda Mali ayaa waxa ay ku dhawaaqday 10 maalin oo xaalad degdeg ah, kaddib weerarkii lagu qaaday hoteelka ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Bamako, kaas oo ay ka dambeeyeen koox Islaamiyiin jihaad doon ah.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka waxa ay sheegtay in wararka hordhaca ah ay sheegayaan in qof Mareykan ah uusan ku lug yeelanin howlgalka lagu galay hoteelka.

 


Todobo qof ayaa ku dhaawacantay, inkabadan 130 qof oo hoteelka deganeydna afduub ahaan ayaa loo qabsaday intuu weerarka socday, saacado kaddibna waala siidaayay.
Madaxweynaha dalkaasi Mali, Ibrahim Boubacar Keita waxa uu tilmaamay in 21 qof ay weerarka ku dhinteen, ayna kamid yihiin laba askeri iyo laba kamid ah dableyda weerarka qaaday.

Waxa ay xurriyadooda heleen markii ciidamo gaar ah ay hoteelka galeen. Weerarka waxaa sheegatay koox lagu magacaabo, Muraabidhuun oo fadhigeedu yahay Waqooyiga AFrika, waxayna xidhiidh la leedahay Alqacidda.

Waa kooxdii ka dambeysay weerarkii dhimashada badan sababay ee xarunta shidaalka Algeria lagu qaaday laba sano ka hor

Contact@afkashacabka.com

 

Source: BBC