Magalada Brussels oo Feejignaan la Geliyay

0
Saturday November 21, 2015 - 18:33:44 in by Hargeysa Office
  • Visits: 558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magalada Brussels oo Feejignaan la Geliyay

    Belgium, ayaa sare u qaaday oo gaarsiisay heerka ugu sareeya ee ka hortagga argagixisada magaalada Brussels, iyagoo ka digay in ay dhici karto qatar dhow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Belgium, ayaa sare u qaaday oo gaarsiisay heerka ugu sareeya ee ka hortagga argagixisada magaalada Brussels, iyagoo ka digay in ay dhici karto qatar dhow.

Tareenada dhulka hoostiisa mara ee Brussels iyo qadad kale, ayaa ugu yaraan la xiray ilaa axadda.

Dadka, ayaa lagula taliyay in ay ka fogaadaan meelaha laysugu yimaado oo ay ku jiraan xarumaha dukaamada iyo bandhigyada. Waxayna madaxdu ku taliyeen in la joojiyo munaasabadaha waaweyn, sida tartamada ciyaaraha kubadda cagta.

Magaalada Brussels, ayey ka socdeen baarista xagjiriintii ka dambeeyay weeraradii Paris. Mid ka mid ah kuwa la raadinayo -Salah Abdeslam- ayaa la rumeysan yahay inuu Belgium ku laabtay.