Daawo: Barnaamij Dhukumantari Cajiib ah oo laga sameeyay xaaladda iyo wadciga xilligan uu ku jiro xisbul xaakimka KULMIYE,

0
Sunday November 22, 2015 - 08:18:11 in by salman abdi
  • Visits: 582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Barnaamij Dhukumantari Cajiib ah oo laga sameeyay xaaladda iyo wadciga xilligan uu ku jiro xisbul xaakimka KULMIYE,

    Barnaamijkan ayaa shacbiga wejiyo kala duwan ka tusay sida loogu kala tagay fikirka iyo saamaynta mustaqbalka uu ku yeelan karo xisbigaasi khilaafka gondihiisa ka dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barnaamijkan ayaa shacbiga wejiyo kala duwan ka tusay sida loogu kala tagay fikirka iyo saamaynta mustaqbalka uu ku yeelan karo xisbigaasi khilaafka gondihiisa ka dhashay.


Barnaamijkani, wuxuu shacbiga dib u xusuusinayaa murrugii ka dhashay qaabkii loo agaasimay shirkii shanaad ee Golaha dhexe ee KULMIYE.

waxa kale oo uu barnaamijkani xambaarsan yahay tallooyin aqooneed oo uu Prof Axmed Ismaaciil Samatar ku odorasay hadamooyinka ka dhalan kara tartankii KULMIYE iyo wejiyadii loo yeelay. waxa barnaamijkani codadkooda shacbiga dib u xusuusinayaa Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Maxamed Xaashi Cilmi, saddexdii Murrashax ee shirka qaadacay ee kala ahaa Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) iyo Cabdicasiis Maxamed Samaalle. Sidoo kale waxaa ku jira codadka Wasiiradii Iscasilay iyo asbaabaha ay u cuskadeen xilka tagistooda, Murrashaxii la tartamayay Madaxweyne ku-xigeenka Saleebaan Xaglatoosiye ayaa isna qayb ka ah weedhihii uu Shirweynaha kaga tiiraabay.