Madaxweynaha Mali Oo Kormeeray Hutelkii La Weeraray Radisson Blu Ee Magaalada Bamako+Sawirro.

0
Sunday November 22, 2015 - 08:40:07 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Mali Oo Kormeeray Hutelkii La Weeraray Radisson Blu Ee Magaalada Bamako+Sawirro.

    Madaxweynaha Mali, Ibrahim Boubacar Keita, ayaa Sabtidii kormeeray Radisson Blu Hotel, ka dib markii ay Jimcihii weerar ku galeen dagaal-yahano hubeysan, oo taabacsan Ururka Al Qaacidda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mali, Ibrahim Boubacar Keita, ayaa Sabtidii kormeeray Radisson Blu Hotel, ka dib markii ay Jimcihii weerar ku galeen dagaal-yahano hubeysan, oo taabacsan Ururka Al Qaacidda

.

Malian President Ibrahim Boubacar Keita returns to his car after addressing reporters outside the Radisson Blu hotel in Bamako, Mali, Saturday, Nov. 21, 2015. Malian security forces were hunting

Tight security surrounds Malian President Ibrahim Boubacar Keita as he addresses reporters outside the Radisson Blu hotel in Bamako, Mali, Saturday, Nov. 21, 2015. Malian security forces were hunting

Tight security surrounds Malian President Ibrahim Boubacar Keita as he visits the Radisson Blu hotel in Bamako, Mali, Saturday, Nov. 21, 2015. Malian security forces were hunting

45

Soldiers from the presidential guard patrol outside the Radisson Blu hotel in Bamako, Mali, Saturday, Nov. 21, 2015, in anticipation of the President's visit. Islamic extremists armed with guns and grenades stormed the luxury Radisson Blu hotel in Mali's capital Friday morning, and security forces worked to free guests floor by floor. (AP Photo/Jerome Delay)

78

Madaxweynaha, ayaa qayb qayb u kormeeray Dhismaha Hotelka, waxaana si weyn loo adkeeyay oo loo xoojiyay ammaanka Hotelkaasi, mudadii uu kormeerku ku guda jiray Madaxweynaha.

Madaxweynaha Mali oo kormeerkaasi ka dib la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay inaanu dalka Mali noqon doonin mid xuduudihiisa xirta, ka dib weerarka lagu dilay sagaalka iyo toban qof.

"Mali ma noqoneyso dal ay xuduudihiisu xiran yihiin. Paris maaha Geneva, New York iyana maaha Moscow. Dabcan ma jirto meel adduunka ah oo aan ku nabad-qabno.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxuu yiri "Ma mudna in nimankii falkaan gaystay loogu yeero rag. Waxay go’aansadeen in ay bani’aadanimada ka baxaan.”

Dadka lagu dilay weerarkaasi, ayaa waxaa ku jira lix u dhalatay dalka Ruushka, saddex u dhalatay China iyo mid kaloo u dhashay Mareykanka.

Laamaha ammaanka ee Mali, ayaa wada baaritaano ballaaran oo ka dhan ah saddex nin, oo sida la sheegay ku lug lahaa weerarkii lagu qabsaday Hotelka ku yaala Magaalada Bamako.

Contact@afkashacabka.com