Dalka Bangladesh Oo Lagu Daldalay Siyaasin Dhawra

0
Sunday November 22, 2015 - 08:42:47 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalka Bangladesh Oo Lagu Daldalay Siyaasin Dhawra

    Waxaa la adkeeyay ammaanka dalka Bangladesh kaddib markii ay dowladda dalkaasi xukun dil ah ku fulisay laba ka mid ah hogaamiyayaasha mucaaradka, kuwaas oo loo haystay in ay dembiyo dagaal galeen xilligii uu socday dagaalkii uu dalkaasi madax bannaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa la adkeeyay ammaanka dalka Bangladesh kaddib markii ay dowladda dalkaasi xukun dil ah ku fulisay laba ka mid ah hogaamiyayaasha mucaaradka, kuwaas oo loo haystay in ay dembiyo dagaal galeen xilligii uu socday dagaalkii uu dalkaasi madax bannaanida kaga qaadanayay Pakistan 1971.

Salahuddin Quader Chowdhury, oo ka mid ah labada nin ee la deldelay, ayaa ahaa siyaasi caan ah oo lix jeer loo doortay baarlamaanka dalkaasi.

Ninka kale oo lagu magacaabo Cali Axsan Maxamed Mujahid, ayaa xubin sare ka ahaa xisbiga Islaamiga ah ee Bangladesh ugu weyn, Jamaacatul Islami.

Waxaa laga cabsi qabaa in deldelaadooda ay ka dhalato carro dadweyne iyo rabshado.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Sheekh Hasina, ayaa beenisay eedeymo ah in deldelaada ay ka dhalatay qorshe siyaasadeed.


Contact@afkashacabka.com