Nickalos Kay Oo Isbar bar dhigay Somaliland iyo Khaatumo

0
Monday April 28, 2014 - 12:49:40 in by salman abdi
  • Visits: 866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nickalos Kay Oo Isbar bar dhigay Somaliland iyo Khaatumo

    Qaramada Midoobay ayaa Caddeysay inay door ku lahayd ciidamadii Qaranka Somaliland ee Taleex la wareegay ilsa-markaana maalin ka dib dib uga soo baxay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay ayaa Caddeysay inay door ku lahayd ciidamadii Qaranka Somaliland ee Taleex la wareegay ilsa-markaana maalin ka dib dib uga soo baxay

waxayna sheegtay in taasi timid ka dib markii ay xidhiidh la soo sameeyeen Masuuliyiinta dawladda Somaliland, kuna qanciyeen inay ciidamadooda dib ula soo baxaan Taleex.

 

Sidaasi waxa sheegay Ergayga qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nickalos Kay, waxaanu tilmaamay in markii uu la soo xidhiidhay Somaliland ay masuuliyiinta dawladdu ka caqbaleen inay ciidamada qaranka ka soo saaraan Taleex, una sheegeen in aanay doonayn in halkaasi colaadi ka qaraxdo.

Mr. Kay oo Wareysi dheer siiyay Telefiishanka Universal, ayaa isaga oo ka jawaabaya waxa uu kala socday tallaabadii ciidamada qaranka Somaliland ku gaadheen Taleex, waxa uu yidhi "Haa – Way jirtay in Ciidamada Somaliland tageen degmada Taleex, waxay joogeen muddo kooban oo kaliya, taasina way dhalisay arrimo badan oo la xidhiidha khilaaf siyaasadeed, waxaan sameeyay wixii ay ila ahayd inaan sameeyo oo ahayd inaan la hadlo Masuuliyiinta Somaliland iyo kuwa Puntland, waxaanan ku dhiirigaliyey inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara dagaal ama sababi kara inuu dagaal ka dhaco deegaanka Taleex, sababtoo ah dagaal ma keeno xal…”

Ergayga qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxa uu taageero u muujiyey kooxda Khaatumo oo uu sheegay in aanay marnaba doonayn inay ku biiraan Somaliland ama Maamulka Puntland "Waxa jira dad ku nool deegaanka Taleex oo aan marnaba doonayn inay ka mid noqdaan Somaliland ama Puntland, oo qaarkood aaminsan Khaatumo, markaa farriintaydu way caddahay, waxaanan aaminsanahay inaan marnaba loo baahnayn dagaal, laakiin waa in Somaliland iyo Puntland ay xoogga saaraan sidii loola dagaalami lahaa Argagixisada, khaasatan ururka Al-shabaab. Markaa waa inaynu ka wada shaqeynaynaa nabadeynta deegaanka Taleex, oo aynu ka hor-tagnaa wax kasta oo dagaal keeni kara….” Ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey "Masuuliyiinta Somaliland waanu ka wada hadalnay Arrinta Taleex, waxayna ii sheegeen in aanay marnaba doonayn khilaaf iyo dagaal, waxayna sheegeen in Masuuliyiinta Somaliland ay ciidankooda dib ugala laabanayaan Taleex….”

Mr. Kay waxa uu ku baaqay wadahadal dhex mara Somaliland, Puntland iyo kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo "Haa..Waa xaqiiq inay jiraan saddex dhinac oo isku haysta Lahaanshiyaha iyo ka talinta deegaanka Taleex ama deegaanaa kale ee u dhow, sidaa daraadeed waxa muhiim ah inay dhinacyadu ka wada shaqeeyaan xagga nabadgalyada, si looga fogaado khilaaf ama dhibaato ka dhacda deegaannadaas, waxa intaasi dheer in la helo wadahallo dhex mara dhinacyada.


Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
contact@afkashacabka.com