Ciidamada Sweden Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Looga Shakiyey Inuu Falal Fulinaayey +Sawiro.

0
Sunday November 22, 2015 - 08:46:31 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Sweden Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Looga Shakiyey Inuu Falal Fulinaayey +Sawiro.

    War kasoo baxay Dowlada Sweden ayaa lagu sheegay in Ciidamada booliiska dalkaasi ay gacanta ku dhigeen nin si weyn loo raadinayay lagana cabsi qabay in weeraro argagaxiso uu ka geesto gudaha Wadankaasi. Ciidamada amaanka Sweden ayaa heegan buuxa la g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kasoo baxay Dowlada Sweden ayaa lagu sheegay in Ciidamada booliiska dalkaasi ay gacanta ku dhigeen nin si weyn loo raadinayay lagana cabsi qabay in weeraro argagaxiso uu ka geesto gudaha Wadankaasi. Ciidamada amaanka Sweden ayaa heegan buuxa la galiyay kadib markii la ogaaday in uu dalkaasi kusoo laabtay nin asalkiisu Ciraaq yahay balse heesta dhalashada Dalkaasi oo lagu magacaabo Mukhtar Muthanna Majid .


Ninkan ayaa la sheegay in uu mudooyinkii dambe ku sugnaa Dalka Siiriya uuna halkaasi kasoo dagaalamay, waxaana howlgalka ay Ciidamada amaanka sameeyeen suurto galisay in ninkan laga soo qabto magaalada Boliden ee Dalka Sweden.

Xaalad feejignaan ah ayaa la galiyay qaar badan oo kamid ah Wadamada Yurub waxii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Magaalada Paris ee Caasimada Faransiiska, waxaana wali jira cabsi la xariirta in kooxo xariir la leh daacish ay weeraro ka geestaan Wadamo Yurub kuyaala.