Xildhibaan Mataan Al-Humaami, Oo Si Adag Uga Hadlay Deeqaha Waxbarasho Ee La Musuqay, Digniin Culusma U Diray Xukuumadda Iyo Wasaarada Waxbarashada

0
Monday November 23, 2015 - 22:48:37 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Mataan Al-Humaami, Oo Si Adag Uga Hadlay Deeqaha Waxbarasho Ee La Musuqay, Digniin Culusma U Diray Xukuumadda Iyo Wasaarada Waxbarashada

    Xildhibaan Aadan Muxumad Hoori (Mataan-Al Hummaami), oo ka mid ah xildhibaanada golaha Wakiilada Somaliland, kana tirsan hogaanka sare ee xisbiga mucaaridka ah ee WADANI, ayaa si kulul uga hadlay deeqaha waxrasho ee ay Ethiopia, ugu deeqday Somalilan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Aadan Muxumad Hoori (Mataan-Al Hummaami), oo ka mid ah xildhibaanada golaha Wakiilada Somaliland, kana tirsan hogaanka sare ee xisbiga mucaaridka ah ee WADANI, ayaa si kulul uga hadlay deeqaha waxrasho ee ay Ethiopia, ugu deeqday Somaliland, ee ay Wasaaradda Waxbarashadu sida musuqmaasuqah u maamushay, waxaanu ugu baaqay in masuuliyiinta sare ee Wasaaraddu, ay arrintaa si degdeg ah wax uga qabtaan, oo ay siiyaan ardaydii hore ugu guulaystay deeqahaa waxbarasho ee xaqa u lahayd., waxaanu xildhibaanku sidaa ku faahfaahiyay mar uu goor dhawayd khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay xafiiska wararka ee shabakadda caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ee Hargeysa, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi,

 
''Waxa fool xumo weyn iyo ceeb ku ah Qaranka iyo dawladnimada Somaliland, in Wasaaradda Waxbarashadu ay si badheedh ah oo dulmi iyo eex ku dhisan ay musuqmaasuqday fursadaha deeqihii waxbarasho ee ay dawlada Ethipia, ugu deeqday Somaliland, deeqahaas oo ay wasaaradu ka qaaday ardaydii xaqa u lahayd ee la siiyay oo ahaa ardaydii kaalamaha sare ka gashay imtaxaanaadkii shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka, iyaga oo ku badalay dad aan xaq u lahayn oo qaraakiil lagu keenay, run ahaantii habdhaqanka noocaas ahina waa mid aan abid ina soo marin oo laga yakhyakhsoodo, sidaa daradeed, waxaan baaqayaa xukuumadda iyo Wasaaradda Waxbarashada in ay arrintaas si degdeg ah loo joojiyo, si dhakhso ahna deeqahaa waxbarasho loo siiyo ardaydii hore ugu guulaysatay ee xaqa u lahayd''
 
Xildhibaanku waxa digniin u diray xukuumadda, waxaanu yidhi,
 
''Waxa ayaan darro ah in xukuumadu ay masuul ka tahay musuqa intaa leeg, waxa lala yaabo ah in markii ay xukuumadu ka gaabisay masuuliyada xilkii ka saarnaa mustaqbalka ardayda, in ay hadana u soo jeesatay in ay musuqdo deeqihii waxbarasho, sidaa daradeed, xukuumadu waa in ay ixtiraamto masuukiyada ay qaranka u hayso, cadaalada iyo dawladnimada, waxaanan uga digayaa xukuumadda cwaaqib xumida ka dhalan karta cadaalad darada intaa leeg ee ay masuulka ka tahay xukuumadu, waxaan leeyahay waa in si degdeg ah sharciga loo hor keenaa cidii ka masuulka ahayd wax isdaba marintan iyo musuqmaasuqan baaxada leh ee xadhkaha soo goostay, waxaan leeyahay cid kasta oo jecel cadaalada iyo qaranimada Somaliland, marnaba uma dulqaadan doonto fadeexadan qaawan ee wax isdaba marinta ah, waana fal budhcadnimo ah oo aan sinaba loo aqbali karin.'' ayuu yidhi Xildhibaan Mataan Al Humaami.  


Contact@afkashacabka.com