Buug Misaan Xambaarsan Oo Ka Hadlayaa HalGankii Xaaji Faarax Omaar Oo Lagu Soo Bandhigay Magalada London+Sawirro.

0
Tuesday November 24, 2015 - 15:53:10 in by salman abdi
  • Visits: 2532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Buug Misaan Xambaarsan Oo Ka Hadlayaa HalGankii Xaaji Faarax Omaar Oo Lagu Soo Bandhigay Magalada London+Sawirro.

    Xafladda buugga oo ahayd tu aad loo soo abaabulay waxa isugu yimi dad kala duwan, waxa na lagaga hadlay halgankii Xaaji Faarax Oomaar Ileeye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafladda buugga oo ahayd tu aad loo soo abaabulay waxa isugu yimi dad kala duwan, waxa na lagaga hadlay halgankii Xaaji Faarax Oomaar Ileeye.


23boobe4568

Taariikhyahanka Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar ayaa si guud mar ah uga hadlay Halgankii Faarax Oomaar, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Faarax Oomaar ahaa bud-dhigihii nidaamka casriga ah ee siyaasadda dawladnimo ee Soomaalida.

"Isagaa dhabbaha u jeexay oo lagaga dayday” buu yidhi habka dawladnimo ee Soomaalida. Qoraaga kale ee afafka Carabida iyo Ingiriisida wax ku qora Siciid Cismaan Guuleed ayaa tilmaanay jidka dheer ee qoraagu u maro in uu buug soo saaro iyo xilalka uu guudka u rito ee la doonayo in uu ka soo dhalaalo.

Maxamed Baashe X Xasan ayaa is na ka hadlay buugga, halgankii Xaaji Faarax Oomaar iyo qoraaga buugga Maxamed Jaamac Cali (Faroole). Hal -abuurrada Cabdiraxmaan Abees iyo Hinda Xaaji Maxamed Biixi ayaa xafladda ku bilay suugaan qaayo leh oo dadkii xafladda goobjoogga ka ahaa soo jiidatey. Axmed Cabdillaahi oo ku hadlayey magaca ururka HAAD oo ahaa isirkii xafladda soo qabanqaabiyey ayaa ka qayb galayaasha si diirran u soo dhoweeyey.

Waxa kale oo taariikhda Faarax Oomaar iyo qiimaheeda madasha la wadaagay oo uga xog warranay Cali Cabdi Xirsi, Farduus Cige iyo Abokor Qoorqaab oo hor kacayey maayir ku xigeenka Degmada Tower Hamlets oo ah halka xafladdu ka dhacday, ahayd na degmadii Aqoonsiga siisay Somaliland toddobaadkii hore.

Maxamed Cumar Maygaag (Taag) ayaa si xeeldheeri leh xafladda oo uu hagayey ugu bilayey dheegag taariikhda Faarax Oomaar iyo buugga Halgankii iyo Hal-adaygii Faarax Oomaar ku saabsanaa. Madasha waxa looga duceeyey qoraaga buugga Maxamed Jaamac Cali (Faroole) oo Stroke ku dhugtay dhowaan, haatanna lagu dawaynayo magaalada Hargeysa.

Contact@afkahacabka.com