Madaxwayne Putin Oo Sheegay In Cawaaqib-xumo Ay Ka Dhalan Doonto Diyaaraddii Turkigu Uu Soo Riday Shalay

0
Wednesday November 25, 2015 - 09:19:27 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Putin Oo Sheegay In Cawaaqib-xumo Ay Ka Dhalan Doonto Diyaaraddii Turkigu Uu Soo Riday Shalay

    Madaxweynaha wadanka Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay maanta in cawaaqib-xumo ay ka dhalan doonto diyaaradii dagaal ee Turkigu uu kasoo riday shalay dalka Ruushka, taasoo uu xusay inay maraysay xilliga lasoo ridayay gudaha dalka Suuriya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha wadanka Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay maanta in cawaaqib-xumo ay ka dhalan doonto diyaaradii dagaal ee Turkigu uu kasoo riday shalay dalka Ruushka, taasoo uu xusay inay maraysay xilliga lasoo ridayay gudaha dalka Suuriya.



Putin ayaa dhabar-jebin ku tilmaamay weerarkii ay militariga dalka Turkigu kusoo rideen maanta diyaaradoodii dagaal, taasoo nooceedu ahaa Su-24 oo ka mid ahayd diyaaradaha Ruushka ee duqeymaha u geysanayay saldhigyada xoogagga ISIS ee Suuriya ku yaalla.

Telefishinka Al-Carabiya ayaa soo bandhigay sawir u muuqday maydka mid ka mid ah duuliyaashii diyaaradda lasoo riday, inkastoo dowladda Ruushku aysan weli caddeyn in duuliyeyaasheedii mid ka mid ah uu dhintay.

Sidoo kale, madaxweynaha Ruushka ayaa ku eedeeyay dowladda Turkiga inay taageerayso argagaxisada, isagoo ammaanay ciidamada Ruushka ee qaybta ka qaadanaya howl-gallada ka dhanka ah ISIS ee ka socda Suuriya, wuxuuna ku tilmaamay ciidamadiisa geesiyaal.

"Weerarka lagu soo riday diyaaraddeennawaa mid ka baxsan ajandaha dagaalka joogtada ah ee ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah,” ayuu yiri Vladimir Putin ku sheegay hadal uu ka jeediyay magaaladaSochioo uu maanta kula kulmay boqorka Dalka Jordan, Boqor Cabdalla.

Sidoo kale, Putin ayaa wuxuu sheegay in Ruushku ay horay u arkeen gaadiid shidaal u sida kooxda ISIS oo galaya Turkiga, wuxuuna sidoo kale xusay in Turkigu ay siiyaan lacago ay ku dagaalamaan kooxaha argagaxisada ah.

"Tallaabada Turkigu ay kusoo diray diyaaraddeenna dagaal ma jito wax lagu macneeyo oo aan ka ahayn ficil dhabar ka toogasho ah oo ay sameeyeen kuwa la jira argagixisada,” ayuu mar kale Putin ku yiri hadalkiisa.

Dhanka kale, saraakiisha millateriga Turkiga ayaa waxay sheegeen in diyaaradda ay kusoo xad-gudubtay hawadooda, ayna dhowr jeer u digeen, balse ay ugu dambeyn go’aansadeen inay soo ridaan, si ay uga hortagaan xadgudubka ay hawada dalkooda ku sameysay.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in gudaha Suuriya ay ku jirtay diyaaradda xilliga lasoo ridayay, qiyaastiina ay xuduudda ay Turkigu la leeyihiin Suuriya u jirtay 4-km, laguna soo riday gudaha Suuriya.

Si kastaba ha ahaatee, Putin ayaan sheegin go’aanka ay xukuumaddiisu ka qaadan doonto tallaabada Turkigu kusoo rideen diyaaradooda dagaal, sidoo kalena weli kama aysan hadlin madaxda caalamka diyaaraddan lasoo riday.

Contact@afkashacabka.com