Diyaaradii ugu waynayd ee Air Buss A321 oo qaada rakaab dhan 230 qof ayaaa maanta soo caga dhigatay Madaarka Cigaal International Airport ee Caasimada Hargeysa.

0
Thursday February 13, 2014 - 08:17:16 in by Super Admin
  • Visits: 1160
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradii ugu waynayd ee Air Buss A321 oo qaada rakaab dhan 230 qof ayaaa maanta soo caga dhigatay Madaarka Cigaal International Airport ee Caasimada Hargeysa.

    Diyaaradii ugu waynayd ee Air Buss A321 oo qaada rakaab dhan 230 qof ayaaa maanta soo caga dhigatay Madaarka Cigaal International Airport ee Caasimada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaradii ugu waynayd ee Air Buss A321 oo qaada rakaab dhan 230 qof ayaaa maanta soo caga dhigatay Madaarka Cigaal International Airport ee Caasimada Hargeysa.

Hargeysa:(Afkashacabka)Diyaaradii ugu waynayd ee Air Buss A321 oo qaada rakaab dhan 230 qof ayaaa maanta soo caga dhigatay Madaarka Cigaal International Airport ee Caasimada Hargeysa.

Diyaaradani oo ay leedahay shirkada Duulimaadyada ee Daallo Airlines, ayaa ahayd Diyaaradii ugu waynayd ee Air Bess ah ee abid soo caga dhigta Madaarka Hargeysa, oo dhawaan Dhabadiisa dib u dhis lagu samaayey.

Munaasibad kooban oo loo qabtay Diyaaradaasi ayaa waxa la hadlay Duuliyihii waday oo ka waramay Tayada Run-way-ga cusub ee Madaarka isaga oo sheegay " Madaarkani waa mid Caalamiya oo leh Run-way tayo saro leh, taas oo aan ku xaqiiqsaday markii aan soo dagay, Runwaygiisuna waa mid aad u baaxad weyn, soo dagatiisuna aanay wax dhib ah lahayn, runtii shaqadaya aad ayuu u fududeeyey Run-waygu, adeegyada halkani waa kuwo sareeya, waa markii ugu horaysay ee aan halkan imaado, waxan ku rajo weynahay inaan ku soo noqnoqon doono.” Ayuu yidhi Kabtankaasi.

Maareeyaha shirkadada Daallo Airlines ee Somaliland Maxmed Sheekh oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Diyaaradani ay ka mid tahay adeegyo cusub oo shirkadada Daallo Airlines ay soo kordhisay, isla markaana ay qorsha ugu jirno inay Diyaaraddani ay Duulimaayo toos ah ku tagto Magaalooyinka Paris iyo Lodon, taas oo dadka rakaabka ah u fudaydin doonta safaradooda.

Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi " waa markii ugu horaysay ee Taariikhada Somalilamd ay Diyaaradani Air Buss A321 oo ah mid baaxad weyn, ay soo cagadhigato Madaarka Cigaal, waxay qiimo weyn u tahay Umaddan, waxay qiimo weyn u tahay shirkada Daallo iyo shaqada ay Umadda u hayso, waxa kale oo ay ka markhaati kacaysaa shaqada weyn ee laga qabtay Runway-ga Madaarka Hargeysa, iyo in dib u casriyeyntii lagu sameeyey ay ahayd mid heerka caalamiga ah, waana sida ay maanta kabtana iyo Engineerada diyaaradani ka markhtaati kacayaan, hore looga markhaati kacay.”

Wasiir Xaashi ayaa intaasi ku daray " maanta sidaa ay Daallo Airlines u balan qaadayso inay adeegyadooda hagaajiyaan, anagauna waxaanu dhincayaga ka balan qaadaynaa inaanu wax weyn wakhtiga Xagaaga ka badalo Madaarka Hargeysa, Runwa-ga waanu kor dhin doonaa, hakan Abronka wax ayaanu ku dari doonaa, Terminalada oo aanu balaadhin doono, Mishiino shada fudaydiya oo aanu keeni doono, taasina waa Himilada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.

Diyaaradani Air Buss A321 oo maanta ka timid Magaaladda Muqdiso sidyana dad rakaab ah, ayaa isna maanta ka duushay Madaarka Madaarka Cigaal International Airport iyadoo qaaday dad rakaab ah una sii jeeda Magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.


Afkashacabka.com
Hargeysa/ Somaliland