Wasiirki hore Madaxtoyada Xirsi oo ka qaybgalay Koob loo dhigay Dhalinyaro Tartan Kubadda Cagta ah loogu Qabtay Burco

0
Thursday December 03, 2015 - 12:55:15 in by salman abdi
  • Visits: 748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirki hore Madaxtoyada Xirsi oo ka qaybgalay Koob loo dhigay Dhalinyaro Tartan Kubadda Cagta ah loogu Qabtay Burco

    Tartan Ciyaareedkan Oo Loogu Magacdaray Isdhexgalka Dhalinyarada gobolka Togdheer oo muddo labaatan cisho ah ka socday garoonka cagaaran ee Burco Sports Center ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartan Ciyaareedkan Oo Loogu Magacdaray Isdhexgalka Dhalinyarada gobolka Togdheer oo muddo labaatan cisho ah ka socday garoonka cagaaran ee Burco Sports Center ayaa

caawa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyey iyada oo ciyaarta koobka ay isugu soo baxeen labada kooxood ee ku kala ciyaarayey magacyada Carwada Nokia Iyo Xildhibaan Mubarig Bidhi.

12

Waxaana munaasibada ciyaartan ka soo qaybgalay wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo halkaasi si miiqaam sare ah ay ugu soo dhaweeyeen dhalinyarad ciyaartoyga gobolka Togdheer iyo Xildhibaan Mubarig Bidhi oo isagu doorweyn ku lahaa qabsoomida iyo qaban qaabada tartankan sida quruxda badan loo soo agaasimay.

Munaasibada oo laga dheehanyey jawi farxadeed oo ay sidoo kale gacan weyn ku lahaayeen Maamulka Garoonka o uu ka mid ahaa Axmed Aadan Tarabi ayaa waxa Ciyaartii kama danbaysta ahayd fooda isku daray labada kooxood ee ay gacanta ku hayaan isla markaasina magacyadooda ku ciyaara xildhibaan Mubarig Bidhi iyo Carwada Electroniscka Ee Nokia oo uu mulkigeeda leeyahay Ismaaciil Xalane oo halkaasi ay guushu ku raacday kooxda Carwo Nokia iyada oo sadexdii wareeg ee ugu danbeeyey Hogaaminaysay.

Dhinaca kale waxa halkaasi Dhalinyarada Sportska Gobolka Togdheer ay koob Maamuus ah u gudoonsiiyey Ex-Wasiir Xirsi Cali Xasan kaasi oo ay ku sifeeyeen inuu ku mutaystay taageerida Dhalinyarada iyo Waxqabadka Bulshada.