Daawo: Xidhitaankii Shirweynaha Kulmiye ee Maanta, Hogaanki lagu doortay iyo khudbadihii Masuliyiinta

0
Tuesday April 29, 2014 - 21:25:45 in by Super Admin
  • Visits: 885
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Xidhitaankii Shirweynaha Kulmiye ee Maanta, Hogaanki lagu doortay iyo khudbadihii Masuliyiinta

    Hogaankii hore ee xisbiga kulmiye ayaa mar kale loo doortay inay hogaamiyan xisbiga 5ta sanno ee soo socota xubno han lahaa aya iyaguna manta iyo shalay ba u tanaasulay masuliyiintii hore, waxana lagu shaciyey in golaha dhexe la kordhin dono

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaankii hore ee xisbiga kulmiye ayaa mar kale loo doortay inay hogaamiyan xisbiga 5ta sanno ee soo socota xubno han lahaa aya iyaguna manta iyo shalay ba u tanaasulay masuliyiintii hore, waxana lagu shaciyey in golaha dhexe la kordhin dono
Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ayaa maanta soo shaac saaray khilaaf u dhexeeya Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ka dib markii muran ku dhex maray Fadhigii Shirka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo Shirweynaha ka soo qayb galay ayaa fadhiistay Kuraasta hab maamuuska Madaxda loogu tala galay, waxaana ka dib Madaxweyne xigeenka soo galay Gudoomiyaha oo dhex fadhiistay Ergooyinkii Shirka ka soo qayb galay.


Masuuliyiin Xukumadda iyo Xisbiga ah ayaa isku dayay inay ku qanciyaan Muuse Biixi inuu soo fadhiisto Kuraasta Madaxweyne xigeenka Garabkiisa ah ee loogu tala galay balse si cad ayuu uga diiday, isagoo faraha ku taagtaagay. Arinta ayaa sababtay Muran iyo Buuq hadheeyay agagaarka Muuse Biixi ka dib markii dad badani isku dayay inay la hadlaan si uu Kursigiisa u fadhiisto.


Intaasi ka dib ayuu Madaxweyne Xigeenka Somaliland kacayooGarab Fadhiistay Madaxweyne xigeenka meel dadka dhexdiisa ah. Madaxweyne xigeenka iyo Gudoomiyaha ayaa si hoosa muran u dhex maray iyadoo mar kale Madaxweyne Xigeenku ka soo kacay oo Kursigiisa ku soo noqday.


Baryo badan iyo Buuq Habsaamiyay Furitaanka Shirweynaha Kulmiye ayaa Muuse Biixi soo fadhiistay Kursiga loogu tala galay ee ku xiga Madaxweyne Xigeenka, iyadoo cadho laga dheehanayay Wejigiisa.


Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici oo hadal ka jeediyey Shirweynaha ayaa si kooban uga hadlay Arinta isaga iyo Muuse Biixi dhex martay waxaanu yidhi " Waxaa la yidhi wixii Caado ah Ceeb maaha, Soomaaliduna Dhaqanka baratakoolka way ku adagtahay. Haddaad na arkayseen anagoo marna Shacabka dhex fadhina, marna halkan fadhinay waa iska hanaanka oo dhaqan inoo ah ee ceeb maaha. Haddii halkaas Gudoomiyihii fadhiistay(Dadka dhexdiisa), ergay ayuunbaan wada nahay oo Anna haddii aan Hab maamuus Madaxweyne lahaa inaan garab fadhiisto khasab ayay noqotay, intaana halaga raali ahaado wax dhibaato ahina ma jiraan.”

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in laga fiicnaa inay arintaasi dhacdo islamarkaana ay haboontahay in la is-ixtiraamo " waxaase qurux badan in la is-ixtiraamo oo hab maamuuska la ilaaliyo, waliba dadka waawayn ee Masuuliyiinta ah. Inta la leeyahay Hebelow kac waxaa qurux badan inaan inagu Baratakoolka ilaalino oo is-ixtiraamno. Bini’aadamku haduu kala dambeyn waayo dee qiimo yeelan mayno” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isna hadal ka jeediyey Shirweynaha Kulmiye ayaan soo hadal qaadin arintaasi. Waxa uu u mahadceliyey Ergooyinka mar labaad u doortay Hogaanka Xisbiga.

lama oga halka uu salka ku hayo Khilaafka Mudane Cabdiraxmaan Saylici iyo Muuse biixi, inkasta oo Shalay la sheegay in Maslaxaad lagu keenay Madaxweye xigeenka Shirweynaha islamarkaan a Beeshiisu cabasho ka muujisay Shirweynaha isagoo maantana ka raali geliyey Ergada Beeshiisa khaladaadka kaga yimid Shirka.







Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com