MASUULIYIINTA GOBOLKA SOOL OO WASAARADDA DIB U DEJINTA IYO HAY'ADDAHA QAXOONTIGA KA DALBADAY IN GACAN LAGU SIIYO DIB U CELINTA BARAKACAYAAL TIRO BADAN OO REER SOMALIA AH

0
Thursday May 01, 2014 - 15:15:32 in by salman abdi
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MASUULIYIINTA GOBOLKA SOOL OO WASAARADDA DIB U DEJINTA IYO HAY'ADDAHA QAXOONTIGA KA DALBADAY IN GACAN LAGU SIIYO DIB U CELINTA BARAKACAYAAL TIRO BADAN OO REER SOMALIA AH

    Guddoomiyaha gobolka Sool, Maxamed Faarax Aadan ayaa wasaarrada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka Sool, Maxamed Faarax Aadan ayaa wasaarrada

dib u dejinta ee Somaliland iyo hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ka codsaday inay ka taageeraan sidii Barakacayaal tiro badan loogu celin lahaa degaano ay hore uga soo barakaceen. Waxa uu tilmaamay inay xamili la’yihiin Biyo la’aanta wakhtigan soo food saartay degaanada Gobolka Sool.

"Xaaladda barakacayaasha oo markii horeba ahayd mid aad u xun ayaa waxaa ugu darsamay abaaraha iyo biyo la'aanta ka taagan Laascaanood oo ay sannado badan ku noolaayeen,”

Isu duwaha Wasaaradda dib u dejinta u qaabilsan Gobolka Sool Cabdilaahi Axmed Xasan ayaa sheegayain Qoysaska is diwaan geliyey si ay iskood ugu noqdaan meelaha ay ka soo barakaceen ay gaadhayaan 350-qoys. Qoysaskan ayaa codsanaya in gacan lagu siiyo sidii dib ay ugu noqon lahaayeen degaannada Somalia ee Bay, Bakool iyo Shabeellaha hoose, waxaanay ilaa 20 sano ku noolaayeen Xeryaha Barakacayaasha Laascaanood.


Afkasacabka.com
Hargaysa/Office
Contact@afkashacabka.com