Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Mar Kale Baaq u Dirtay Maamulka Wargeyska Haatuf

0
Saturday May 03, 2014 - 13:47:22 in by salman abdi
  • Visits: 822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Gobolka Hargeysa Oo Mar Kale Baaq u Dirtay Maamulka Wargeyska Haatuf

    Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa Guddoomiyaha wargeyska xayiran ee HAATUF Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo Tifaftiraha wargeyskaasi Axmed Cali Cigge

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa Guddoomiyaha wargeyska xayiran ee HAATUF Yuusuf Cabdi Gaboobe Iyo Tifaftiraha wargeyskaasi Axmed Cali Cigge

, ugu baaqday inay ka soo xaadiraan fadhiga maxkamaddu ku gudo-galayso dacwadda loo hayso oo hore loogu muddeeyay maalinta Axadda ee 4/05/2014.

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal shalay uu soo saaray masuul u hadlay maxkamadda gobolka Hargeysa, waxaana lagu booriyay masuuliyiinta wargeyska HAATUF inay joojiyaan aflagaadada iyo xajiimaynta been abuurka ah ee ay ku hayaan madaxda qaranka "Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxay ku adkaynaysaa Guddoomiyaha Iyo Tifaftiraha wargeyska HAATUF inay ka soo xaadiraan fadhiga maxkamaddu u cayintay dhegaysiga dacwadda loo haysto oo ku beegan maalinta Axadda ee fooda innagu soo haysa oo taariikhdu tahay 04/05/2014,”ayaa lagu yidhi qoraalka Maxkamaddu soo saartay.

"Masuuliyiinta HAATUF waa inay maxkammadda horkeenaan daliilo iyo marag fur ku filan oo ay iskaga difaacayaan dacwadda eedaha loo haysto, oo ay ka waantoobaan afxumadda iyo cayda ay ku nashaxadeynayaan Madaxda qaranka iyo Garsoorka dalka,”ayuu intaas ku daray qoraalka Maxkamaddu soo saartay.

Maxkamadda Gobolku waxay sheegtay in haddii ay masuuliyiinta HAATUF caddayn waayaan dacwadda loo haysto ay mudan karaan in sharciga lala tiigsado, "Haddii ay masuuliyiinta HAATUF caddayn kari waayaan eedaha iyo wararka ay qoreen, waxay noqonaysaa in sharciga lala tiigsado, Soomaalidu waxay tidhaahdaa "Af-xumo nabad-na way kaa kaxaysaa, colaadna waxba kaagama tarto” markaa Guddoomiyaha Iyo Tifaftiraha HAATUF awooda ha saaraan inay maxkamadda horteeda ka soo muuqdaan oo ay iska difaacaan eedaha loo haysto.”

Maxkamaddu waxay sheegtay in aanay suurto-gal ahayn in warbaahinta loo adeegsado sida hubka oo kale oo madaxda qaranka iyo muwaadiniinta lagu handado "Laga yeeli maayo in Guddoomiyaha HAATUF uu sidii qoriga oo kale u adeegsado masuuliyadda wargeyska si uu dadka ugu baado, dalkuna sharci ayuu leeyahay, waxaan u soo jeedinaynaa inuu u soo noqdo anshaxa saxaafadda iyo dhaqanka suuban ee ummadda,”ayaa lagu soo gunaanaday qoraalka maxkamadda.

Geesta kalena Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa 27-kii Bishii hore cayintay in dacwadda loo haysto wargeyska HAATUF ay furmi doonto 04-ta bishan May 2014.

 

Afkashacabla.com

Hargaysa/Office

Contact@afkashacabka.com