"Annagu Ma Doonaynno Dhiig Daata Iyo Colaad Aannu Soomaaliya Ku Kala Go'no, Laakiin"…Wasiir Biixi.

0
Saturday May 03, 2014 - 13:51:17 in by salman abdi
  • Visits: 875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Annagu Ma Doonaynno Dhiig Daata Iyo Colaad Aannu Soomaaliya Ku Kala Go'no, Laakiin"…Wasiir Biixi.

    Wasiirka Arrimaha Dibedda Md. Maxamed Biixi Yoonis, Ayaa Sheegay Inay Madaxweynaha Dalka Sudaan Mr. Cumar Xasan Al-Bashiir Ka Codsadeen Inuu Noqdo Ergay U Dooda Qaddiyadda Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, Maadaama Koonfurta Sudan Ka Go'

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibedda Md. Maxamed Biixi Yoonis, Ayaa Sheegay Inay Madaxweynaha Dalka Sudaan Mr. Cumar Xasan Al-Bashiir Ka Codsadeen Inuu Noqdo Ergay U Dooda Qaddiyadda Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, Maadaama Koonfurta Sudan Ka Go'day Waddankiisa.

Wasiir Biixi Oo Waraysi Siiyey Warbaahinrta Qaarkood , Waxa Uu Sheegay Inay Madaxweynaha Sudaan Kula Kulmeen Shir Ay 26 Ilaa 27 April Kaga Qaybgaleen Dalka Itoobiya, Isla Markaana Ka Wadahadleen Qoddobo Ku Saabsan Xidhiidhka Labada Dal.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland"Waxaannu Kulan Gaar Ah Wada Yeelannay Madaxweynaha Dalka Sudan Oo Ah Madaxweyne Dal Xidhiidh Taariikheed Oo So Jireen Ah Innaga Dhexeeyo. Waxaan Madaxweynaha Suudan Ku Idhi, ‘Hadday Koonfurta Sudan Ku Go’day Dagaal Socday 23 Sanno, Annagu (Somaliland) Waxaannu Goosannay 23 Muddo Imminka Laga Joogo, Wax Dagaal Ahna Nama Dhexmarin Annaga (Somaliland Iyo Soomaaliya) Muddadaa Aannu La Soo Noqonnay Qarannimadayada Iyo Goonni-Isu-Taagga Somaliland, Mana Dhacayso In Somaliland Iyo Soomaaliya Dib Isugu Soo Noqdaan Oo Taasi Waa Wax Aan Dib U Dhacayn Inta Dunidu Jirto. Markaa Madaxweynaha Sudan Waxaannu U Soo Jeedinnay Inuu Ergay Ka Noqdo Qaddiyaddayada Oo Uu Noogu Doodo Waxa Aannu Xaq U Leenahay Oo Ah In Aannu Caalamka Ka Helno Aqoonsiga Aannu Caalamka Ka Mudannahay Ka Helno,” Ayuu Yidhi Md. Maxamed Biixi Yoonis.

Waxa Kaloo Uu Sheegay Inay Madaxweynaha Sudan Uga Xog-Wrarameen Taariikhda Somaliland, Waxaannu Yidhi; "Waxaannu Madaxweynaha Dalka Suudan Ka Wada Hadallay Taariikhda Guunka Ah Ee Ka Dhexaysa Somaliland Iyo Sudan Ee Ka Soo Bilaabantay Sannadkii 1900 Iyo Wixii Ka Horreeyay. Waxa Jirtay In Mutacallimiintii Dalka Somaliland Ka Soo Shaqeeyeen Suudan, Sida Allaah Ha U Naxariistee Eng. Cali Jirde. Waxa Kaloon U Sheegnay In Madaxweynihii Ugu Horreeyay Ee Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali Uu Dalkiisa Ka Soo Shaqeeyay Oo U Safiir Ka Soo Noqday. Wax Badan Ayuu Naga Garawsaday Markaan Ku Nidhi Annagu Ma Doonayno Dhiig Daata Iyo Colaad Aannu Soomaaliya Ku Kala Go’no, Laakiin Waxaan Diyaar U Nahay In 23ka Sanno Ee Aannu Jirnay Dalkayagana Dhisannay, Isla Markaana Aanay Jirin Wax Dhibaato Ah Oo A Dhexmaray Annaga Iyo Soomaaliya In Nalagu Qiimeeyo Oo Aad Hormuud Ka Noqoto Qaddiyaddayada Aannu Xaqa U Leenahay. Intaa Kadib, Madaxweynaha Suudaan Waxa Uu Nagu Martiqaaday Dalkiisa Si Aannu Arrintaas Iyo Xidhiidhkii Somaliland Iyo Sudan Ee Qarniyada Soo Jiray U Soo Noolaynaba, Dhawaanna Waxaannu Booqasho Ku Tagi Doonnaa Xarunta Dalka Suudan Ee Khartum.”

Madaxweynaha Dalka Suudaan

bashiirWasiirka Khaarajiga, Ayaa Sidoo Kale Ka Hadlay Kulan Ay La Yeesheen Madaxda Dalka Itoobiya Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen, "Dawladda Itoobiya Waxaannu Kulannay Wasiirkooda Arrimaha Dibadda Iyo Madax Kale, Waxaanan Ka Wadahadallay Xidhiidhka Wanaagsan Ee Naga Dhexeeya Iyo Sidii Loo Sii Adkayn Lahaa. Waxa Kaloo Aannu Kala Hadallay Qaddiyadda Somaliland Iyo In Aanan Oggolayn In Dalalka Aannu Saaxiibka Nahay In Dhankayaga Dhib Kaga Timaad, Sidaasoo Kalena Aanaan Oggolayn In Dalalka Aannu Saaxiibka Nahay Gacan Siiyaan Wax Kastoo Nabadgelyada Somaliland Ku Liddi Ah, Waxaanan U Sheegnaa In Aan Somaliland Laga Oggolayn Wax Shir Ah Oo Ka Dhaca Gudaha Somaliland Oo Waxyeello Loogu Gaysanayo Nabadda Ka Jirta Dalka Somaliland, Gaar Ahaan Waxaan Kala Hadallay In Aanay Wax Taageero Ah Siin Cid Kasta Oo Cadaw Ama Lid Ku Ah Somaliland Oo Donaya Inay Dalka Gudihiisa Shir Ku Qabsadaan, Gaar Ahaan Kooxda La Baxday Khaatumo, Waanan Isla Qaadannay In Labada Dalba Ka Wada Shaqeeyaan Nabadda, Isla Markaana Xidhiidhka Saaxiibtimo Ee Naga Dhexeeya La Sii Xoojiyo,” Ayuu Yidhi Wasiir Biixi.

Afkashacabka.com
Hargaysa/Office
Contact@afkashacabka.com