Daawo: Daahfurka Barnaamijka Sahay Aakhiro oo shirkadda Somtel ku daahfurtay Hargeysa+SAWIRO

0
Saturday January 09, 2016 - 08:31:56 in by salman abdi
  • Visits: 1491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Daahfurka Barnaamijka Sahay Aakhiro oo shirkadda Somtel ku daahfurtay Hargeysa+SAWIRO

    Shirkada Dahabshiil Group Gaar ahaan qaybteeda Isgaadhsiinta Ee Somtel ayaa soo bandhigtay Adeeg la Magac Baxay Sahay Aakhiro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkada Dahabshiil Group Gaar ahaan qaybteeda Isgaadhsiinta Ee Somtel ayaa soo bandhigtay Adeeg la Magac Baxay Sahay Aakhiro.

Barnaamijkan oo noqn doona mid culimada Waaweyn ee dalka bulshadu ka soo weydiindonaan Su’aalaha Diiniga ah iyagoo u soo dhex marinaaysa Somtel Madaxa suuq Gaynta Dahabshiil Group Cawil Saalax oo ugu horayin halkaasi ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyeey Barnaamijkan Sahay Aakhiro Waxowna Yidhi " anoo ku hadlaaya Magaca dahabshiil Group waxay u tagantahay shirkadani in ay daboosho Baahiyaha Bulshadeeda anagoo ka duulayna Qawaacidka ay Diintu ina fartay waa in aan racnaa dariiqadii Rasuulkeena (NNKH) .


Shirkada Dahabshiil waa mid u taagan in ay baahi tirto qaybaha kala duwaan ee bulshadeeda anaga oo kaashaynyna shuyuukhdeena waaweyn waxa aanu bulshada ka jaahil saari donaa su’aalaha xaga diinta ah ee ay doonayaa in ay wax ka ogaadaan .

 

Dhankiisa Waxa Isna Halkaasi Sharaxaad Yar oo kooban ka sameeyay Eng Xasan Sheekh Maxamuud Waxana Yidhi " Barnaamijkan inta imika shaqaynasaa wali waxa uu ku jiraa Tijaabadii kowaad waxa sido kale iyana imika tijaabo maraysa qofku kiyoo jooga gurigiisa ama meheradiisa in uu su’aasha uu doonayo Soo Waydiinyo Sheekha Isagoo Isticmaalaya Kaadhka Somtel kadibna jawaabtii oo sax ah uu culimada iyo Somtel oo is kaashanaaya ka helo.

Dr.Sheekh Faysal Maxamed Cali oo ah sheikha soo sindisay barnaamijkan ayaa sido kale isna halkaas ka sharaxay sida uu barnaamijkan looga faa’iidaysan lahaa iyo sida loo isticmaali lahaaba waxana uu Yidhi " shirkadaha kale oo dhan waxa fiican waxa culimada iyo dadka aqoonta leh ay soo jeediyaan in la qaato oo la hir galiyo ayaa fiican anoo la hadlaaya dhamaan shirkadaha, dabcan markaan fikradan aanu u soo bandhigaynay mayhayin kaligay balse jamciyada aan gudoomiyaha u ahay oo dhan ayaa u soo bandhigtay barnaamijakan Waa Sahay Aakhiro Waana Barnaamij Khayri ah oo loo baahanyahay in mii iyo magaalaba la gaadhsiiyo” ayuu Yidhi SHeekh Faysal.Culimada Waaweyn ee dalka waxan ka codsanayaa in aan iska kaashano sidii aan barnaamijkaa khayriga ah umada u gaadhsiin lahyin oo aan dadkeena jahliga xaga diinta ah uga saari lahyin .

Waxa inoo qormaaya ee aakhiro inoo tagaaya waa in aan ku xisaabtanaa hadaan umada muslimiinta ah nahay oo aad tidhaa maxaa ilaahay agtiisa ku sii dhigmaaya walaalaheena soo fikiray ee Dr-ku ka midyahay ee Walaalaheena Somtel ka mid yihiin waan idiin ducaynaynaa waa mashruuuc Khayriya oo horu martinta Diinta ka shaqaynaaya .Dhankiisa Waxa Isna Halkaasi Hadalo ka soo jeediyeey Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Diriir Waxan Yidhi " Waa Wax khayr leh oo aan isugu nimi goobtani waxay ka turjibaysaa in umadaha muslimiintu ka firkir duwanyihiin umadaha kale walaalaheenaan isgadhsiinta waxan leeyahay Alle Haydinka Jazaai Siiyo .

Guud ahaan Aad Ayaan ugu mahad-naqayaa Culimada Waaweyn Ee Dalka ee ka qayb gali doona Barnaamijkan Khayriga ah waxan si gaara uga mahad-naqayaa Somtel .Gabagabdii Waxa soo afmeeray munaasibadaasi lugu daahfuraayeey Barnaamijka Sahay Aakhiro Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed waxan Yidhi " waxan maanta halkan isugu Nimi Barnaamij khayriya waxaan Abaalkaa iska leh Shirkada iibsatay Janadoodii waxan is leeyahay maanta Somtel waxay sii iibsatay Janadoodii Ilaahay ayaa maalkoogii u waydaarsadeen Janatl Aclaa.