Dad Ku Dhaawacmay Rabshado Ka Dhacay Ceeri-gaabo Kadib Dib U Dhac Ku Yimi Imtaxaan Loo Galayey Diwaangalinta Muwaadinka.

0
Monday May 05, 2014 - 16:53:28 in by salman abdi
  • Visits: 1286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Ku Dhaawacmay Rabshado Ka Dhacay Ceeri-gaabo Kadib Dib U Dhac Ku Yimi Imtaxaan Loo Galayey Diwaangalinta Muwaadinka.

    Imtixaankii Loogu Tala Galay Saaka Oo Axad Ah In Xarunta Jaamacadda Sanaag University Lagaga Qaado Hawl-Wadeennada Ka Shaqaynaya Diiwaangelinta Muwaaddiniinta Gobolka Sanaag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Imtixaankii Loogu Tala Galay Saaka Oo Axad Ah In Xarunta Jaamacadda Sanaag University Lagaga Qaado Hawl-Wadeennada Ka Shaqaynaya Diiwaangelinta Muwaaddiniinta Gobolka Sanaag

Ayaa Baaqday Kaddib Markii Ay Soo Bexeen Wararka Sheegaya In Imtixaankan Suuqa Lagu Hayo Iyo Inay Soo Gacan Geliyeen Shaqaalaha Dawladdu. Waxana Halkaas Ka Dhacay Buuq Ka Dhashay Kaddib Markii Boliisku Qabteen Oo Isku Dayeen Inay Xidhaan Mid Ka Mid Ah Xildhibaannada Golaha Degaanka Ceerigaabo Ee Iyagu Halkaas Ku Sugnaa Kazoo Bulshadii Kale Ee Halkaas Ku Sugnaydna Kacdoon Ka Sameeyeen Kaddibna Ciidammadii Ammaanku Adeegsadeen Rasaas Si Ay Rabshadda Uga Hor Tagaan Iyadoo Halkaasna Inta La Ogyahay Uu Dhaawac Ka Soo Gaadhey Mid Ka Mid Ah Dhallinyaradii Halkaas Ku Sugnayd Kaasoo Loola Cararay Cusbitaalka Si Loogu Daaweeyo Waxana Arrintaasi Sababtay Inuu Baaqdo Imtixaankii Laga Qaadi Lahaa Hawl-Wadeennada Diiwaangelinta Gobolka Sanaag.

Waxana Arrintaas Ka Hadlay Qaar Kamid Ah Dhallinyaradii Iyo Aqoonyahankii Halkaas Ku Sugnaa Kuwaasoo Muujiyey Aagtiyohooda Ku Aaddan Fadeexadaha La Hadal Hayo Ee Imtixaankan Kazoo Baxay. "Maant Ardayda Halkan Ku Sugani Waxay Usoo Diyaar Garoobeen Saaka In Imtxaankii Loo Qaado Saacadduna Waa 12-Kii Oo Wax Dhiman Ilaa Xilligaasna Xal Lagama Gaadhin Waxana La Leeyahay Musuq Maasuq Baa Ka Jira Rabshado Ayaa Dhacay Dad Baa Ku Dhaawacmay Xildhibaannadii Waa Loo Diidey Meeshii Mishkiladda Dhacday Ma Gaanayno Dadkuna Waa Gedodsan Yihiin Dhallinyaradii Jaamiciyiintii Dhammaan Waannu Yaabban Nahay Waxa Meesha Ka Socda Insha’ Allaahu Waa Iska Hagaagi Doontaa Dawladda Waxannu Ka Codsanaynaa Bal In Waxan Dib Loo Eego”. Sidaas Waxa Yidhi Maxamed Gurey Aadan.

"Rabshadda Halkan Ka Taagan Gebi Ahaan Waxa Wada Dawladdan Heer-Gobol Boolis Baa Dadkii Masaakiinta Ahaa Ee Imtixaankan Usoo Baxay Rasaas La Dhacaya Sababta Loola Dhacayona Lama Garanayo Toddobadii Saakaannu Nimid Dadku Wuu Degganaa Meeshu Way Degganayd Cidina Cid Ma Dhibayn Nidaamkana Waa Lagu Kalsoonaa Imminkana Waxa La Leeyahay Isuduwayaal Baa Imtixaankii Qaadaya Go’aankii Dawliga Ahaa Ee Heer Qaran Ee Gobollada Kaleba Ka Socdey Ee La Lahaa Jaamacadahaa Qaadaya Imtixaannadana Way Ka Leexatay Jaamacadduna Way Kasban Kari Weydey Magacii Jaamacadnimo Oo Isuduwayaal Baa Imtixaankii Qaadaya Dhibta Jirta In Dawladdu Waddo Baan U Arkaa Waxa Message-Yada Mobillada Kusoo Dirayaa Ee Imtixaankii Soo Gashay Waa Xubno Dawladda Ah Waxa La Wareegaya Eel Eh Waa Naloo Soo Diray Waa Dawladdii Waxa Dadka Rasaasta La Dhacayaa Waa Dawladdii Waxa Weeye Rabshad Dawladdu Ka Waddo Mooyee Rabshad Kale Halkan Kama Jirto Dadkuna Waa Muwaaddiniin Waa Dadkii Ciidda Lahaa Waa Dad Shaqo Doonaya Waa Dad Aan Rabshad U Socon Ilaa Imminkana Wax Rabshad Ah May Geysan Iyagoo Rasaas Lala Dhacay Markaa Aad Baan Uga Xumahay In Arrintaasi Dhacdo”. Sidaas Waxa Yidhi Aqoon-Yahan Bashiir Mire Jaamac Oo Isaguna Halkaas Ku Sugnaa.

"Markii Hore Qabiil Bay Ku Hadlaysey Oo Lahayd Qabiil Baa Imtixaanka U Badan Ama Qabiil Baa Qaadaya Imminkana Isuduwayaal Bay Imtixaankii Usoo Dirtay Isuduwayaal Baana La Leeyahay Imtixaankii Waa Qaadayaan Isma Gasho Markaa Intaasi”. Sidaas Waxa Yidhi Mid Ka Mid Ah Dhallinyaradii Shaqa Doonka Ahayd Ee Halkaas Ku Sugnayd. "Intii La Rabey Intaasuu Ahaa Waana Fashilanyahay”. Sidaasna Waxa Yidhi Xil-Dhibaan Maxamed Axmed (Kable) Oo Ka Mid Ahaa Xubnihii Golaha Degaanka Ceerigaabo Ee Halkaas Ku Sugnaa. K/S. Badhasaabka Gobolka Sanaag Ismaaciil Cabdi Xasan Oo Aannu Isku Daynay In Uu Nooga Xog Warramo Arrintan Ayaa Ka Gaabsaday. Waxana Xusid Gaar Ah Mudan Kolkii Goobtaas Laga Soo Dareeray In Dhallinyaro Lagu Sheegay Laba Wiil Ay Mid Ka Mid Ah Weriyayaashii Goobtaas Tegey(Weriye-Xaaji) Waddada Dhexe Kula Dagaallameen Kuwaasoo Weriyahan Gaadhsiiyey Dhaawacyo Fudud Lamana Gaanayo Ilaa Hadda Sababta Ka Danbaysey Dagaalka Weriyahan Lagula Kacay.



Afkashacabka.com
Ceerigaabo/Office
Contact@afkashacabka.com