CISBITAL CUSUB OO LAGU MAGACABO DAARU-XANAAN OO LAGA HIRGALIYAY MAGALADDA BURCO IYO MASULIYINTA GOBALKA,DEGMADA OO XADHIGA KA JARAY CISBITALKAASI + SAWIRO

0
Monday May 05, 2014 - 17:01:14 in by salman abdi
  • Visits: 1954
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CISBITAL CUSUB OO LAGU MAGACABO DAARU-XANAAN OO LAGA HIRGALIYAY MAGALADDA BURCO IYO MASULIYINTA GOBALKA,DEGMADA OO XADHIGA KA JARAY CISBITALKAASI + SAWIRO

    Xaflad Baladhan Oo si Rasmiya Xadhiga Lagaga Jarayay Cisbital Cusub Oo Laga Hirgaliyay Gudaha Magaladda Burco ayaa Habeenkii Xalay ahaa Lagu Qabtay Gudaha Cisbitalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad Baladhan Oo si Rasmiya Xadhiga Lagaga Jarayay Cisbital Cusub Oo Laga Hirgaliyay Gudaha Magaladda Burco ayaa Habeenkii Xalay ahaa Lagu Qabtay Gudaha Cisbitalkaasi.

 

 
 
Munaasibad Baladhan Oo Loo Sameyay Furitanka Cisbitalkani ayaa Waxa Goob-Joog ka ahaa Badhisab ku Xigenka Togdheer,Maayirka Degmadda Burco,Dhakhatiir,Aqoon-Yahano,Ganacsato iyo Waliba Masuliyin Tirro Badan.
 

 
Cisbitalkani Cusub Ee Daaru-Xanaan Ee Laga Hirgaliyay Magaladda Burco ayaa isagu ka Kooban Laba Qaybood Oo Waawayn Kala ah Daawaynta iyo Qaliinka Guud.
 
 
 
Ugu Horraynba Waxa Xafladaasi ka Hadlay Agasimaha Cisbitalkaasi

Daaru-Xanaan Doctor C/Qani Xasan Aw Jaamac Waxaanu Fahfahin ka Bixiyay Adeegyadda Uu Cisbitalkani u Fidin Doono Bulshadda Gobalka Togdheer iyo Waliba Qiimaha Uu Gobalkani u Leeyahay Cisbitalkani Oo isagu ah Mid ka Duwan Cisbitaladda Kale.
 
Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii " Runtii Haddii Aan Fahfahin ka Bixiyo Ujeedada Loo Aasasay Cisbitalkani Waxa Weyaan in Markii Aanu Aragnay in Aanay Bulshadu Helin Adeeg Cafimaad Oo Dhamaystiran Waxaanu Samaynay Research,Waxaana Noo Soo Baxday inay Bulshadu u Baahan Tahay Adeed Cafimaad Oo Dhamaystiran,Waxaana Noo Soo Baxday in Loo Baahan Yahay in la Sameeyo Cisbitalo Kale,Research Aanu Samaynay Kow Waxaanu Asasman Garaynay in WHO Oo Adduunka Oo Dhan Standard u Dhigtay Gaar ahaana Wadamadda Soo Koraya Taasi Oo ah in Kunkii Qofba ay Helaan Laba Sarirood,inaga Sadexdii Kun Ee Qof Waxa ku Beegan Hal Sariir ah,Ujeedada Ugu Wayn Ee ka Danbaysay in la Hirgaliyo Cisbitalkaasi Sidaas ayay ahayd isla Markaasna Aanu Kor u Qaadno Adegii Cafimaad Ee Gobalka Togdheer,Cisbitalkani Daaru-Xanaan Wuxuu Noqon-Donaa Cisbital Heer Standard ah Oo Uu Heersare Noqdo Adeegga Cafimaad Ee Lagu Bixinayo Cisbitalkaasi,Waxaanu Cisbitalkani ka Koobnan Donaa Laba Qaybood Oo Kala ah Dawaynta iyo Qaliinka Guud,Qaybta Qaliinka ayaa Waynaan Doonta Oo Noqon-Doonta 70 %,Waxa Kale Oo ku Jiri Doonta Qayb Sariiro la Dhigo Oo Lagu Daweeyo Bukaan Jiifka" Ayuu Yidhi Agasimaha Cisbitalkaasi Daaru-Xanaan Dr: C/Qani Xasan
 
 
 
Dr: Xaamud Oo isaguna ka Mid ah Dhakhatiirta Caanka ah Ee Gobalka Togdheer Oo halkaasi ka Hadlay ayaa Sharaxay Muhiimada Uu Cisbitalkani Cusub u Leeyahay Gobalada Barriga S/land.
Waxaanu Dhakhtarku Shegay in Aan Cisbitalkan loo Dhisin in Dadka Bukaan Jiifka ah Lagu Baadho Balse Waxa Uu Tilmaamay inay Cisbital ahaan ay Diyaar u Yihiin inay Kobciyaan Adeega Cafimaad Ee Gobalka Togdheer iyo Guud ahaanba Somaliland.
Dr: Xaamud ayaa Sidoo Kale Shegay inuu Cisbitalkani Uu Maalinta Bariyaba Uu si Rasmiya Dhakhtarkaasi Looga Bilaabi Doono Qaliinada Kale Duwan isla Markaasna Uu Qofka Ugu Horeeya Qali-Doono Dr Walhad
 
 
 
Doctor C/Laahi Walaleye Oo ka Mid ah Dhakhatiirta Waawayn Ee Gobalka Togdheer Oo isaguna Munaasibadaasi Baladhan ka Hadlay ayaa Amaan usoo Jeediyay Dhakhatiirta isku Howlay inay Hirgaliyaan Cisbitalkaasi.
 
Waxaaana ka Mid ahaa Hadalidisii " Runtii Aad Baan u Bogadinayaa Dhakhatiirta isku Howshay inay Hirgaliyaan Cisbitalkani Oo ah Mid aynu Runtii u Baahnayn,Hargaysa Aad Bay inooga Horaysaa inay Dhakhatiirtu is Kashadaan Oo ay Furtaan Dhakhatiir inkasta Oo ay Burco Hadan Jeceshahay Hogaminta Hadana Dhaqalaha iyo Dadka Yarantiisa ayaa ina Jilcinayoo Runtii Aad Baan u Bogadinayaa Cisbitalkani" Ayuu Yidhi Dr: C/Laahi Walaleye
 
 
Gudomiyaha Dugsiga Kalkaliyayasha Cafimadka Togdheer Faadumo Cismaan,Gudomiyaha Daladda Unity Ee Gobalka Togdheer Marwo Saynab iyo Dhakhtar Muuse Baaxer Oo ku Hadlayay Afka Dhakhatiirta Gobalka Togdheer Oo iyaguna Xafladaasi ka Hadlay ayaa Shegay inuu Horre Gobalku Ugu Baahnaa Cisbitalkani isla Markaasna Waxay Xuseen inay ku Rajo Wayn-Yihiin inuu Cisbitalkani Cusubi Uu Wax Badan ka Qaban-Doono Baahidii Cafimaad Ee Gobalka ka Jirtay.
 
 
Maayirka Degmadda Burco Maxamed Muraad Oo isaguna Dhankiisa Halkaasi ka Hadlay ayaa usoo Jeediyay Dhakhatiirta Kale Duwan Ee Gobalka Togdheer inay sii Laban-Labaan Aqoon-todda Waxbarasho isla Markaasna ku Dedalaan Sidii ay u Tayayn-Lahayeen Adeegga Cafimaad Ee Gobalka
 
Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Duqa Degmadda Burco " Shayga Aasasiga u ah Bini-adamka Oo Dhami Waa Cafimaad,Nolosha Adamigu Cafimaadku Waa Shay Aasasi u ah,Waxa Loo Baahan Yahay Dhakhatiir iyo Cisbitalo Cusub,Xirfada iyo Dawadu Waxay Muujisaa Aqoonta Dhakhtarka,Anigu Dhowr Jeer ayaan Tagay Wadamada Africa Markii Aan Dalka Joogay Dhowr Xanuun ayaa Layga Dawayn Jiray Oo lay odhan Jiray Waxaas iyo Waxaas ayaa ku Haya,Markii Aan Wadamadaas Tagay Ee Aan Xanunadii iska Baadhay Waxay igu Yidhaahden Xanunadaasi Kuma Hayaan Hada Waa Xanuunkii Aad Waligaaba iska Dawaynaysay,Markaas Waxa Dhakhatiirta Looga Baahan Yahay inay sii Laban-Laban Aqoon-Toda Cafimaad si Bulshada Loo Badbadiyo" Ayuu Yidhi Maayirka Degmadda Burco
 
 
 
Gaba-Gabadii waxa Xafladaasi soo Xidhay Badhisabka ku Xigenka Togdheer Maxamed Maxamud Yuusuf (Ubaxle) Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii
 
" Dhakhatiirta Mid Dardaran ah ayaa Odhanayaa Waxaan idin Leeyahay Cida Jilicsan Ee Aan Awoodin Dhaqalaha inaydun Adeegga Cafimaad ka Tagertaan,Alle Haydin Barakeeyo Cilmigiina iyo Aqoon-Tinabee u Gargara,Dhakhtartku Waa Shay Loo Baahan Yahay Aqoontu Markasta Oo ay Korodho Waxa sii Hagagaya Mustaqbalka Ummadda,Cisbitalada Dowlada iyo Kuwa Gaarka ahba Mustaqbalka Umadeena ayaa ku Jirta Waananu Soo Dhawaynaynaa ka Maamul ahaan Cisbitalkani" Ayuu Yidhi Badhisab ku Xigenka Togdheer
 
 
 
Ugu Danbayntii Masuliyinta Maamulka Gobalka Togdheer iyo Kuwa Degmadda Burco ayaa si Rasmiya Xadhiga Uga Jaray Cisbitalkaasi Cusub Ee Daaru-Xanaan Ee Laga Hirgaliyay Magaladda Burco

Afkashacabka.com
Burco/Office
Contact@afkashacabka.com