Manchester United Oo Guul Ay U Rafaaday Anfield Kaga Gaartay Liverpool, Xili Rooney Uu Shabaqa Gaaray

0
Monday January 18, 2016 - 10:50:34 in by Burco Office
  • Visits: 888
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester United Oo Guul Ay U Rafaaday Anfield Kaga Gaartay Liverpool, Xili Rooney Uu Shabaqa Gaaray

    Gool uu dhaliyay Wayne Rooney ayaa Manchester United u sahlay iney si dhib leh ku dhaafto Liverpool kulan ka dhacay Anfield Road iyadoo ciyaartoyda United ay badbaadiyeen mustaqbalka macalin Louis Van Gaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gool uu dhaliyay Wayne Rooney ayaa Manchester United u sahlay iney si dhib leh ku dhaafto Liverpool kulan ka dhacay Anfield Road iyadoo ciyaartoyda United ay badbaadiyeen mustaqbalka macalin Louis Van Gaal.


Guushaan ayaa ah guushii afaraad oo ay kooxda Manchester United ka gaarto dhigeeda Liverpool wuxuuna ahaa kulan ay inta badan ciyaarta ku gacan sareysay Liverpool oo kaashaneysa gurigeeda.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay jawi aan caadi aheen iyadoo ugu horeynba ay Liverpool bilowday iney cadaadis xoogan saarto goolka Manchester United sidoo kalana ciyaartoyda Liverpool ayaa awood dheeri ah muujinayay iyagoo cadaadis sarayay kubadana u diidanaa xidigaha United.

 

Adam Lallana ayaa ku dhawaaday inuu madax daba mariyo De Gea, balse goolhayaha reer Spain ayaa ka diiday inkstoo markii dambe Firmino uu kubad geesta mariyay.

Jordan Henderson ayaaa sameeyay isku dayo aan caadi aheen oo ay xamaasadi ku dheehan tahay, balse kooxdiisa ugama faa’ideyn, kubad halis ah oo ay sameysay waxeyna kubad walba ku dhuminayeen goolka hortiisa.

Labada kooxood midna kuma guuleysan inuu gool dhaliyo qeybta hore ciyaarta, balse markii la isku soo laabtay halkii ayey Liverpool ka bilowday iney cadaadis ku sarto mar kale goolka Manchester United.

Wayne Rooney ayaa soo afjaray nolosha Liverpool markii uu kubad awood leh si aan caadi aheen u dhameestiray iyadoo Fellaini uu markii hore birta ku dhuftay.

Guushaan Manchester United waxey ka saaciday iney kaalinta shanaad xajisato iyadoo 2-dhibcood u jirta booska 4-aad.