Xildhibaan Maxamuud Warfaa Oo Shaaciyey In Uu Yahay Musharax U Taagan Jagada Gudoomiyaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye.

0
Tuesday May 06, 2014 - 08:31:26 in by Super Admin
  • Visits: 919
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Maxamuud Warfaa Oo Shaaciyey In Uu Yahay Musharax U Taagan Jagada Gudoomiyaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye.

    Gudoomiye ku xigeenka Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ahna Xildhibaan Ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland Md. Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa shaaca ka qaaday inuu u taagan yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye ku xigeenka Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ahna Xildhibaan Ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland Md. Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa shaaca ka qaaday inuu u taagan yahay

murrashaxnimada Guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE oo lagu wado in la doorto dhawaan.


Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa wuxuu yidhi "Waxaan idiin caddaynayaa inaan maanta iclaamiyay inaan u sharaxan nahay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga tallada haya ee KULMIYE, maadaama oo aanu Hoggaanka Golaha dhexe ka mid ahayn qodobadii xisbigu ku heshiiyay ee aan lagu tartamaynin. Hoggaanka Golaha dhexe oo kala ah Guddoomiyaha Golaha dhexe, Guddoomiye Ku xigeenka Golaha dhexe iyo Xoghayaha Golaha dhexe, waxaanu sharciga dhigayaa in shirka Golaha dhexe la qabto bil ka dib marka shirweynaha xisbigu qabsoomo.”

"Imikaba waxaan ahaa Guddoomiye Ku xigeenka Golaha dhexe ee xisbiga, markaa waxaan idiin sheegayaa inaan ka mid ahay inaan ka mid noqdo murrashaxiinta u taagan Guddoomiyaha Golaha dhexe,”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa.



Xildhibaan Maxamuud Jaamac oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi "Waxaan doonayaa inaan dadweynaha mad-madowga uga saaro waxa dhici karta inay dad u qaataan in Hoggaanka Golaha dhexe iyagana aan la isla sharaxayn, runtii Hoggaanka Golaha dhexe kuma ay jirin go’aamadii xisbigu ku gaadhay inaan Hoggaanka xisbiga lagu tartamin, markaa guddoomiyaha, Guddoomiye xigeenka iyo xoghayaha Golaha dhexeba waa lagu tartamayaa oo waxa lagu dooran doonaa shirka Golaha dhexe ee la qaban doono bil ka dib.” ayu yidhi xildhibanku












Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com