Kooxda Chelsea Oo Weli Ka Casbi Qabto In Weeraryahankeeda Diego Costa Uu Bishan Ku Biiro Atletico Madrid

0
Wednesday January 20, 2016 - 09:04:09 in by Burco Office
  • Visits: 888
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Chelsea Oo Weli Ka Casbi Qabto In Weeraryahankeeda Diego Costa Uu Bishan Ku Biiro Atletico Madrid

    Wararka ka imaanayo dalka Spain ayaa sheegay in kooxda Chelsea ay ka cabsi qabto in weeraryahankeeda kowaad Diego Costa ay bishan ka tgao Chelsea ayaa qabto cabsida ah in Diego Costa uu doorto ku laabashada kooxdiisii hore Atletico Madrid bishan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanayo dalka Spain ayaa sheegay in kooxda Chelsea ay ka cabsi qabto in weeraryahankeeda kowaad Diego Costa ay bishan ka tgao Chelsea ayaa qabto cabsida ah in Diego Costa uu doorto ku laabashada kooxdiisii hore Atletico Madrid bishan gudaheeda madaama xidigan uu aad u dhibsaday nolosha magaalada London iyo kubada horyaalka England laga ciyaaro.


 

Diego Costa oo haatan dib usoo ceshtay qaab ciyaareedkiisii wanaagsanaa sidoo kalena Chelsea u dhaliyay 5-gool kulamadii ugu dambeeyay ee uu Blues u ciyaaray ayaa niyad ahaan dagsaneyn.

Waxaa la sheegay in 27-jirkan uu kooxdiisa Chelsea ka dalban doono inta uusan suuqa Yurub xidhmin in loo fasaxo ku laabashada dalka Spain.

Diego Costa waxay xiriir dhow leeyihiin macalinka kooxda Atletico Madrid hogaamiyo Diego Simeone oo maamulka kooxdiisa ka dalbaday in xidigan kooxda dib loogu soo celiyo.

Kooxda Atletico Madrid xiriirka kubada cagta aduunka ayaa ganaax hal sano ah dul dhigay waxayna fasax u qabaan inta bishan Janaayo ka harsan inay saxiixo sameeyeen waxayna kooxdan ahmiyada kowaad siin doontaa sidii ay Diego Costa dib ugu soo ceshan laheyd.