Chelsea Oo Emirates Stadium Ku Soo Garaacday Arsenal, Diego Da Silva Costa Oo Blues Guusha Ku Hogaamiyay, Iyo Gunners Oo kaalinta Saddexaad Ku Dhacday+Sawiro

0
Monday January 25, 2016 - 10:00:57 in by Burco Office
  • Visits: 1196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea Oo Emirates Stadium Ku Soo Garaacday Arsenal, Diego Da Silva Costa Oo Blues Guusha Ku Hogaamiyay, Iyo Gunners Oo kaalinta Saddexaad Ku Dhacday+Sawiro

    London(AFKA)Chelsea ayaa guul dahabi ah ka soo gaadhay kooxda Arsenal kulankii ka dhacay Emirates Stadium, waxaana kulankan labada kooxood kala saaray Diego Costa kaas oo goolka kaliya dhaliyay halka sidoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(AFKA)Chelsea ayaa guul dahabi ah ka soo gaadhay kooxda Arsenal kulankii ka dhacay Emirates Stadium, waxaana kulankan labada kooxood kala saaray Diego Costa kaas oo goolka kaliya dhaliyay halka sidoo

 kale Per Mertesacker loo taagay kaadhka cas oo toos ah, waxayna Blues soo gaadhay guul ay ku sixi karto xili ciyaareedkii ka xumaaday halka rajadii ku guulaysiga koobka horyaalka Ingiriiska ee Arsenal ay markale su’aali saaran tahay.Guuldarada soo gaadhay Arsenal ayaa sababtay in Gunners ay kaalinta saddexaad u dhacdo.

Arsenal ayaa Emirates Stadium ku soo dhawaysay kooxda ay London sida dhabta ah ugu xifiltamaan ee Chelsea, waxayna labada kooxood kulankan ciyaarayeen iyaga oo ku kala jira laba boos oo aad ukala fog, sidaa daraadeed waxay uciyaarayeen laba ujeedo oo kala duwan.

Kooxda martida loo ahaa ee Arsenal ayaa u ciyaaraysay sidii ay dib ugu soo laaban lahayd hogaanka horyaalka Ingiriiska oo ay xalay la sii wareegtay kooxda xili ciyaareedkan laga yaaban yahay ee Leicester City oo guul wayn ka gaadhay kooxda Stoke City. Laakiin Chelsea ayaa u dagaalamaysay sidii ay uga soo bixi lahayd booska hoose ee ay ku jirto, waxayna doonaysaa in ay Gunners ka ciidayso riyadeeda ah in ay horyaalka ku guulaysto muddo dheer kadib.Si kastaba ha ahaatee, marka ay ciyaartii Emirates Stadium ay bilbaantay waxaa layska ilaaway labada boos ee ay labada kooxood kaga kala jiraan kala saraynta horyaalka, waxaana si isku mid ah loogu dagaalami doonaa saddexda dhibcood ee lixda dhibic udhiganta ee garoonka Gunners taala.

Chelsea

Xidiga saamaynta badan ee Mesut Ozil oo kulankii Stoke City seegay ayaa shaxda Gunners ku soo bilawday laakiin Alexis Sanchez ayaa kaliya taam unoqday in uu kursiga kaydka Gunners soo fadhiisto maadaamo oo uu muddo garoomada ka maqnaa. Si la mid ah Diego Costa ayaa markiiba ka soo kabtay dhaawac cisbitaal loo dhigay kadib kulankii Everton, laakiin Costa ayaa hogaaminayay weerarka Blues halka Hazard uu kursiga kadyka fadhiyay.

Ozil

Shaxaha labada kooxood ee kulankan:

Arsenal:Cech, Bellerin, Koscielny, Mertesacker, Monreal, Flamini, Ramsey, Campbell, Ozil, Walcott, Giroud

kaydka:Ospina, Gabriel, Gibbs, Chambers, Elneny, Oxlade-Chamberlain, Sanchez

Chelsea:Courtois; Ivanovic, Zouma, Terry (c), Azpilicueta; Mikel, Matic; Willian, Fabregas, Oscar; Diego Costa.

Kaydka:Begovic, Cahill, Baba Rahman, Loftus-Cheek, Traore, Hazard, Remy

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay dardar iyo fursad abuuris labada kooxood ay ku doonayeen goolka furitaanka laakiin markii dardar iyo fursad abuuris ay labada kooxood sameeyeen ayay Chelsea horumar ka samaysay dhinaca weerarka taas oo daqiiqadii 18 aad keentay in kaadhka cas oo toos ah loo taago difaaca dhexe ee Arsenal ee Per Mertesacker kaas oo si markiiba ku dhacay dabinkii Costa ee uu Wenger ciyaartoydiisa uga digayay. Costa ayaa haystay fursad uu gool ku dhalin lahaa wuxuuna u furnaa goolka Arsenal laakiinMertesacker ayaa naftiisa iyo kooxdiisaba halis galiyay.Per Mertesacker2Per Mertesacker

Willian ayaa kubbad kala soo baxsaday khadka dhexe wuxuuna kala dhantaalay difaaca Arsenal isaga oo kubbad dilaa ah isaga oo Diega Costa ubixiyay kubbad qurux badan, laakiinMertesacker ayaa go’aan xun qaatay isaga oo natiisa halis ku galiyay takal uu doonayay in uu Costa kubbada kaga dilo, balse xisaabta kumuu darsan halista kaga imankartay iyo in uu ahaa difaaca ugu danbeeyay, waxaana kaadhka cas oo toos ah soo saaray garsoore M.Clattenburg, waxaana Arsenal xili horeba lagu soo yareeyay 10 ciyaartoy.Mertesacker

Tababare Arsene Wenger ayaa lagu qasbay in uu xili horeba shaxdiisa uu ku sameeyo isku shaandhayn wuuxuna kursiga kaydka uga yeedhayGabriel Armando isaga oo ciyaarta ka saarayOlivier Giroud. Giroud ayaa ciyaarta dirqi kaga baxay isaga oo waliba madaxa ka lulay in ciyaarta laga saaro markii ay 22 kaliya socotay.

Chelsea ayaa markiiba ka faa’iidaystay casaanka la siiyayMertesacker, waxayna hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqadii 23 aad waxaana goolkan Blues u saxiixayDiego Da Silva Costa kaas oo sida ugu deg dega badan uga faa’iideeyay kubbad uuBranislav Ivanović ka soo karoosay dhinaca midig, wuxuuna Costa ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Blues hogaanka ciyaarta kula wareegtay.gool costaCostaaa

Chelsea ayaa markan noqotay kooxda awooda sare leh maadaamo ay Gunners toban ciyaartoy lagu soo yareeyay isla markaana ay Blues hogaanka la wareegtay.Laakiin Arsenal ayaa daqiiqadii 41 aad ugu dhawaatay in ay la timaado goolka barbaraha kadib markii uu Walcott kubbad fiican ka helay Ramsey laakiin inkasta oo markii danbe calanka offside ka la taagay darbada Walcott ayaa goolka Chelsea wax yar u martay.Sidoo kale Flamini ayaa fursad qaali ahayd ka qasaariyay Gunners.

Flamini

Balse daqiiqadii 44 aad ayay Chelsea ku sigatay in ay la timaado goolka labaad kadib markii uu Costa dhibaato kale ku abuuray difaaca Gunners isla markaana uu bartilmaameed saday goolka uu ilaashanayay Petr Cech laakiin goolhaye Cech ayaa markan badbaadiyay kooxdiisa isaga oo Costa goolka labaad ka beeniyay.

costaa

Inkasta oo ay Arsenal mararka qaar ay weerar deg deg ah ku abuuraysay fursado isla markaana Walcott iyo Flamini ay fursado heleen ayay haddana qaybta hore ee ciyaartu ku dhamaatay 1:0 ay Blues hogaanka ciyaarta ku haysay isla markaana ay ku ahayd kooxda gacanta sare leh.Costa1

Markii layskugu soo laabtay qaytbii danbe ee ciyaarta ayay Arsenal soo laabatay iyada oo doonaysa in ay ciyaarta dib ugu soo laabato waxayna bilawday in ay isku daydo sidii ay u gaadhi lahayd goolka Cheslea, laakiin markale Chelsea ayaa ahayd kooxda inta ugu badan kubbada haystay ee weerarka ku soo qaadaysay goolka Gunners.

Daqiiqadii 57 aad ayuu Arsene Wenger shaxdiisa isbadal ku sameeyay wuxuuna ciyaarta ka saarayJoel Nathaniel Campbell Samuels wuxuuna kursiga kaydka uga yeedhayAlexis Alejandro Sánchez kaas oo ka soo laabtay dhaawac uu muddo ku maqnaa. Markii uu Sanchez ciyaarta soo galay ayay Arsenal bilawday in ay ciyaarta dardar ku bilaabato, isla markiibaNemanja Matić ayaa kaadhka digniinta ah ku qaatay Sanchez.Sanchez

Daqiiqadii 64 aad ayay Arsenal ugu dhawaatay in ay la timaado goolka barbaraha kadib markii ay kubbado badan ciyaartoyda Gunners ku darbeeyeen goolka Chelsea iyada oo waliba xerada ganaaxa Chelsea ay fursado badani ka jireen laakiin difaaca Chelsea ayaa ugu danbayn awooday in ay halista iska saaraan.

Daqiiqadii 68 ayuu dhaawac soo gaadhayDiego Da Silva Costa oo dhibaato badan ku sababay difaaca Arsenal , wuxuuna u muuqday mid isagu is dhaawacay waxaana lagu soo badalayLoïc Rémy. Laakiin dhaawaca Costa ayaan u muuqan mid halis ah wuxuuna awooday in uu ciyaarta lugihiisa kaga baxo.

Chelsea ayaa ka walwalsanayd in ay helin goolka labaad ee kalsoonida, waxaa 25 kii daqiiqo ee ciyaarta ugu danbeeyay awood cusub la soo baxday Arsenal iyada ooAlex Oxlade-Chamberlain oo buuxiyay booskii Walcott iyo Sanchez ay ciyaarta wax wayn ka badaleen. Sidoo kale Guus Hiddink ayaa daqiiqadii 77 aad ciyaarta soo galiyay Eden Hazard oo muddo dhaawac ku maqnaa waxaana lagu soo badalayOscar dos Santos.

Daqiiqadii 84 aad Arsenal ayaa markale u dhawaatay in ay goolka barbaraha la timaado kadib markii uu Ozil dhinaca midig ka soo tuuray kubbad laaga xorta ah ku timid, kubbada ayaa layskula booday xerada ganaaxa Blues, Courtios ayaa marka hore u muuqday in uu kubbada qabsaday laakiin kubbada ayaa ka baxsatay iyada oo difaaca Blues ay gool si qalad ah iskaga dhalin gaadheen.

Alexis Sanchez ayaa nooc kasta oo dhibaato ah ku abuuray difaaca Chelsea laakiin daqiiqadii 87 aad Flamini iyo Bellerin ayaa si qurux badan u wada ciyaaray laakiin kubbad cidhib ahayd oo uu Flamini doonayay in uu goolka ku dhaliyo ayuu Courtios iska badbaadiyay iyada oo waliba Zouma uu qalad ku lahaa.

Chelsea ayaa si buuxda difaaca u gashay, Arsenal oo dhan ayaa weerar noqotay si ay goolka barbaraha ula iman karto laakiin dhamaadkii ciyaarta weeraro deg deg ah oo ay Chelsea soo qaatay ayay ciyaarta ku dili kartay waxaana fursdo fiican ka lumiyay Remy iyo Willian.Laakiin ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay Chelsea ku soo garaacday 10 ciyaartoy oo Arsenal ah.Ugu danbaynFlamini ayaa guuldaradiisii ugu horeeyay ku dhadhamiyay Emirates Stadium kulan horyaalka Ingiriiska ah, waxayna Blues soo gaadhay guul dahabi ah oo ay ku sixi karto xili ciyaareedka ka qaldamay.