2500 Oo Dhalinyaro ah Oo u Tartamaya 45 Shaqo oo ka Banaan Daakhiliga

0
Friday February 14, 2014 - 06:35:13 in by London Office
  • Visits: 1180
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    2500 Oo Dhalinyaro ah Oo u Tartamaya 45 Shaqo oo ka Banaan Daakhiliga

    Dhalinyaro Fara Badan Oo Somaliland ayaa shaqo 250 ah oo ka soo baxaday wasaarada arimaha gudaha u tartamaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dhalinyaro somaliland oo shaqo u tartamaysa
Dhalinyaro Fara Badan Oo Somaliland ayaa shaqo 250 ah oo ka soo baxaday wasaarada arimaha gudaha u tartamaysa.

gaasimaha Maamulka iyo lacagta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Cismaan Dube ayaa sheegay inay maanta ku ekayd naadintii shaqaalaha cusub ee ay qaadanayaan oo tiradoodu tahay 45 shaqaale ah oo ka kooban darajooyinka (A, B, C) si ay dhalinyaradda dalka ugu sameeyaan shaqo abuur.

Agaasimaha Maamulka iyo lacagta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Cismaan Dube Waxa uu sheegay inay araajidoodii u soo xaraysteen in ku dhow laba kun iyo shan boqol oo dhalinyarro ah, waxaanu xusay inay Imtixaan lagu kala saarayo ay dhawaan ka qaadi doonto Hay’adda shaqaalaha dawladda.

Maxamed Cismaan Dubbe waxa uu sheegay inay tahay markii u horreysay ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ay qaadato shaqaale tiradaas leeg oo mar qudha la wada qaatay.


Afkashacabka.Com

Hargeysa/Office