DAL DIHIN IYO DAD KA BAAHAN WQ: Abdirahman Said Oogle

0
Friday February 19, 2016 - 15:17:18 in by Burco Office
  • Visits: 1786
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAL DIHIN IYO DAD KA BAAHAN WQ: Abdirahman Said Oogle

    waxan jeclan laahaa inaan wax ka dheho khayraadka waddankeena. Soomaaliland waxay ka mid tahay dalalka aduunka aan ka faa'idaysna waxyaabaha ilaahay hibada u siiyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxan jeclan laahaa inaan wax ka dheho khayraadka waddankeena. Soomaaliland waxay ka mid tahay dalalka aduunka aan ka faa'idaysna waxyaabaha ilaahay hibada u siiyey.
Soomaaliland xeebaheeda wax lagu qiyaasayaa 850 oo Km marka aan lagu darin jasiiradaha. Aduunkan maanta la joogana sida aad ka war qabtaan waxa gabaabsi noqday khayraadkii dabiiciga ahaa. Waqtigan casriga ahna, khayraadkii waxay la mid noqdeen hawada la neefsanayo. Sidaa darteed, dalalka aduunku waxay tartan ugu jiran sidii ay u heli lahaayeen khayraad ay ku noolaadaan kuna dhismaan oo hor u mar ku gaadhaan. Hadaba, waqti cabsi mustaqbalka laga qabo iyo hunguri awgii dalalka aduunka qaarkood dayaxa in ay risiq u raadsadaan u qalab samaysanayaan ayaa nasiib darro dhamanab umada Somaliland dawlad iyo shacaba waxaad moodaa inaanay kuba baraarugsanayn kharadka manta wadankeena yaal. Waxa markaa muuqday dal Bad iyo Berri dihin oo aan cidi lahayn. Dadka khayraadka Soomaaliland booEditor@hadhwanaagnews.com
bkooda ku hawlan waxa qaarkood dhegohooda ka sanqadhayey baadhitaano la sameeyey todobaatanadii oo lagu qiyaasayey khayraadka badda ee Soomaaliland . Mid kuwaas ka mid ah ku qiyaasay kaluunka ku jira 100.000mt. Isla markaa wuxuu raaciyey in ay tahay Bad dihin oo haddii laga faaiidaysto noqon karta mid anfacda dhamaanba umada somaliland iyo dalkeedaba
Hadaba cunista kalluunka way ku kala duwan yihii dhamaanba bulshooyinka aduunka xaga diinta, dhaqanka, helista ama waayista kalluunka. ALLE(SWT) wax uu kitaabka quraanka ah inoogo sheegay in noolaha ku jira badda uu xalaal inoo yahayna ‘’ Eebe waa ka idin saqiray badda inaad ka cuntaaan hilib cusub(kalluun)
Somaliland iyo kalluunka san horre u soo sheeganay Somaliland waxay ledahay xeeb dhererkaadu yahayna 850km min ceelaanyo ilaa lawyacado ee bada cas iyad oo sida laga war qabo ay ku jiraaan dhamaan badiba noocyad qayraadka kal duwan.sida kalluunka ,shidalak,etc, hadaba waa maxay noocyad kalluunka Somaliland iyo faa’dooyinkiisa?hadaba noocyada kalluunka ku jira xeebaha Somaliland waxa lagu qiyaasaana in ka badaan 1200 oo nooc waxa kale oo intaa u sii dheer inay ku jiraan 10%kiiba nooca aan caalamka badiba laga hellin gacyada kallunka cilmiyeysan(scientific name) loo yaqan kaluumka waxay ka yimaadaan nidaamka loo qaybiyo kalluunka ama loo koox kooxeeyo wana sidan caruusa, fanaani, saynuud, sanaani, barri xume, Aaylubi, shibaadi, shirib,ganbari, bacoo, shilibis, khashari, libaax, kalbul libaax, mashnuus, kumal, caruusa siisaan, xilwa, sakhalad, cawrad,xamari, farasi, shoox, hadab dhamaanba noocyada aan soo sheeganay iyo kuwo badan oo kale ayaaa waxay kula muhiimsan yihii anfac ahaan iyo dhaqaale ahaanaba tusaale ahaan u soo qaadano nooca loo yaqaaan (fanaani) oo laga helo badiba bada Somaliland ayaa waxa laga sameeyaana khadka qalimaanta aan wax ku qorno sidoo kale noocyada loogu jecelyahayna caalamka wax ka mid ah caydi(sardine) taraaqad,tabadin, subcaani,gacoore(catfish), gaxash(emperor). noocyadan ayaa wax ay ka mid yihiin kuwa aduunka loogu jecelyahyana kaa oo 1kg kii la kal siisto 35$ hadab xeebah Somaliland wax qiyaas ahaan laga soo saari karaana tusaale ahaan argoosatada 300 tone taas oo hadiii la helo wada lagula soo bixi karo ama sidiii caalamka loogu iib gaynlahaaa wayo waxan ka warqabnaa inaan manat aduunka u nahay( consumar) quuta yaal taas oo heerkeena wax soo saar gaadhsiisan yahayna ¼ wayna wax badan ka tari lahayd baahida dhaqale ee manat haysata dhaaman bulshadeena soamliland hadaba su.aash iswaydiinta le waxay tahayna (ma shacabka mise dawlada keebaa dayacay doorkuuu lahaaa ?)



WQ: Abdirahman Said Oogle
Kingabdirahmaanoogle12@gmail.com
Burco, Somaliland