Fanaanada Caanka Khadra Daahir Oo Booqatay Xarunta Dabacada Ee Sagal Jet

0
Monday February 22, 2016 - 23:32:49 in by salman abdi
  • Visits: 1564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fanaanada Caanka Khadra Daahir Oo Booqatay Xarunta Dabacada Ee Sagal Jet

    Fanaanada sida weyn ay u jecelyihiin dadka Af-soomaaliga ku hadlaa, sugaanteeduna dhexqaaday degaanada Geeska Afrika ayaa maanta booqatay xarunta Sherkada Daabacada ee Sagal–Jet. Maamulaha guud ee Sagal Jet oo qaabilay Fanaanada Qaranka ee Khad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fanaanada sida weyn ay u jecelyihiin dadka Af-soomaaliga ku hadlaa, sugaanteeduna dhexqaaday degaanada Geeska Afrika ayaa maanta booqatay xarunta Sherkada Daabacada ee Sagal–Jet. Maamulaha guud ee Sagal Jet oo qaabilay Fanaanada Qaranka ee Khadra Daahir, ayaa u hibeeyay buugaag kamid ah kuwa sherkadu daabacday, gaar ahaan Buuga "Bad Macaan" oo lagu uruuriyay Sugaantii Abwaanka weyn ee Xasan Xaji Cabdillaahi (Xasan Ganay) oo kamid ahaa Abwaanada heesaha ugu badan u dhiibay Fanaanada Khadra Daahir Ciggge.


Maamulaha Sherkada Daabacada Sagal Jet oo qoraal uu kaga hadlaayo booqashadii Fanaanada Khadra Daahir ayaa yidhi.

"Waxa Galabta xafiiska Sagaljet nagu soo booqatay Fanaanada caanka ah ee Khadra Daahir Cige oo ka mid ah kuwa loogu jecelyahay Fanaaniinta Somalida. Waxaan ku gudoonsiiyay Buugaag badan oo suugaan ah oo ay qoreen Abwaano waaweyn oo leh qaar kamid ah heesaha aadka loo jecelyahay ee ay qaado.Waa fanaanad aan aad u jecelahay fankeeda, imika waxay ku nooshahay magaalada Hargeisa oo ay ay ii sheegtay inay qurbihii ka soo wareegtay.”

Contact@afkashacabka.com