
Laascanood:Laba Mashruuc Oo Laga Hirgalyay Magalada Laascanood Oo Xadhiga Laga Jaray
Xadhig Jaridii Waddada Telesom Xafladan Si Heersare Ah Loo Soo Agaasimay Oo Xadhiga Laga Jaraayey Waddo Kiiloomitir Badhkeed Ah Ayaa Ka Qabsoontay Xarunta Shirkadda Telesom Ee Magaaladda Laascaanood Waxaana Ka Soo Qayb-Galay Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose Ee Degmadda Laascaanood,
Xildhibaano Golaha Deegaanka Ka Tirsan Iyo Maaamulka Shirkadda Teleosm. Ugu Horayn Waxaa Xafladaasi Ka Hadlay Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose Ee Degmadda Laascaanood Cabdi Khayre Dirir Waxaanu Shirkadda Telesom Uga Mahadnaqay Dhismaha Waddada Telesom Ee Laga Dhisay Magaaladda Laascaanood. Waxaa Isaguna Xafladda Ka Hadlay Xildhibaan Maxamed Axmed Faarax Oo Ka Mid Ah Xildhibaanadda Degmadda Laascaanood Waxaanu Shirkadda Telesom Uga Mahadnaqay Dhismaha Waddadan Ay Ka Hirgalisay Magaaladda Laascaanood. Xildhibaanka Ayaa Dhanka Kale Ugu Baaqay Bulshadda Reer Laascaanood Inay Ka Shaqeeyaan Nadaafadda Magaaladda.
Maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha Ee Shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo Ayaa Ka Waramay Kaalinta Shirkadda Telesom Kaga Jirto Dhismaha Horumarka Dalka. Md. Darbo Ayaa Sheegay In Shirkadda Telesom Ay Sanadkan Dhamaaday Ay Gobolka Sool Ka Hirgalisay Mashaariic Qadarka Lacagtoodu Gaadhaayo $82,000, Wuxuu Sidoo Kale Balan-Qaaday Shirkadda Telesom Ay Markasta U Heelan Tahay Inay Bulshadadeeda Wax Kala Qabato Baahiyaha Danta Guud Ah. Md. Darbo Ayaa Intaasi Ku Daray In Shirkadda Telesom Ay Wadda Leeyihiin Dad Badan Oo Saamilay Ah Oo Qaar Ka Badan Oo Ka Mid Ahi Ay Ka Soo Jeeda Gobolkan Laascaanood Iyo Buuhoodle, Saamilaydu Waa Tiirka Ugu Muhiimsan Ee Ay Shirkaddu Ka Telesom Ku Taagan Tahay. Maamulaha Xarunta Telesom Laascaanood Md. Cabdirisaaq Axmed Warsame (Dhabayaco) Oo Isna Soo Afmeeray Xafladda Xadhiga Lagaga Jaray Wadda Telesom Loogu Magac Daray Ee Magaaladda Laascaanood. Maamulaha Ayaa Sheegay Inay Ka Maamul Ahaa Aad Ugu Faraxsan Yihiin Inay Bulshadda Deegaanka Dib Ugu Celiso Faa’iidadii Shirkaddu Ka Heshay Wax Ka Mid Ah.
Md. Dhabayaco Ayaa Xusay In Isla Maanta Codsi Ay U Soo Gudbiyeen Maamulka Dawladda Hoose Ay Isla Markiiba Ka Jawaabeen Isla Maantana Bilaabeen Inay Wax Kala Qaybtaan Dawladda Hoose Ee Laascaanood. Xadhig Jaridii Dhismaha Dugsiga Muuse Yuusuf Shirkadda Telesom Ayaa Ugu Horay Waxay Saaka Xadhiga Ka Jartay Dhisme Qol Ah Oo Ay Shirkadda Ku Kordhisay Dugsiga Muuse Yuusuf Oo Ka Mid Ah Dugsiyadda Sare Ee Ugu Ardayda Badan Magaaladda Laascaanood. Munaasibadii Xadhiga Laga Jaraayey Dhismaha Lagu Kordhiyey Dugsiga Sare Ee Muuse Yuusuf Waxaa Ka Hadlay Maamule Cabdilaahi Axmed Faarax (Aflahaa) Waxaanu Shirkadda Telesom Uga Mahadnaqay Dhismahan Ay Ku Kordhisay Dugsigan Sare Oo Uu Sheegay In Muhiimad Weyn U Leeyahay. Maamulaha Ayaa Sheegay In Dugsigan Ay Dhigtaan Arday Tiradoodu Ka Badan Tahay 1,000 Arday Kuwaasi Oo Intooda Badan Ay Isticmaalaan Adeegyadda Shirkadda Telesom. Munaasibadan Waxaa Iyaguna Ka Hadlay Maamulaha Telesom Laascaanood Cabdirisaaq Axmed Warsame Iyo Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha Ee Shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo Waxaanay Si Qoto Dheer Uga Warameen Kaalinta Ay Shirkadda Telesom Kaga Jiro Ka Qayb-Galka Arimaha Bulshadda. Masuuliyiinta Ayaa Sheegay In Shirkaddu Sanadkan Ay Magaalada Laascaanood Ka Fulisay Mashaariic Badan Oo Arimaha Horumarinta Bulshadda Ah.
Contact@afkashacabka.com
Laascanood /Office
Laascanood:Laba Mashruuc Oo Laga Hirgalyay Magalada Laascanood Oo Xadhiga Laga Jaray
:Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga Ah Ee Telesom Ayaa Maalinti Shalay Magaaladda Madaxda Gobolka Sool Xadhiga Kaga Jaray Laba Mashruuc Oo Isku Jiray Waddo Ay Shirkaddu Ka Hirgalay Magaalada Iyo Dhisme Ay Ku Kordhisay Dugsiga Muuse Yuusuf. Xafladd Aan X