Laba Daran Lagu Dooransii Naymar oo kala Doortay cida fiican Messi iyo C.ronaldo,Bele iyo Messi,Mancity iyo Real madrid

0
Thursday March 03, 2016 - 08:28:16 in by Hargeysa Office
  • Visits: 2179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Daran Lagu Dooransii Naymar oo kala Doortay cida fiican Messi iyo C.ronaldo,Bele iyo Messi,Mancity iyo Real madrid

    Laba Daran Lagu Dooransii Naymar oo kala Doortay cida fiican Messi iyo C.ronaldo,Bele iyo Messi,Mancity iyo Real madrid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba Daran Lagu Dooransii Naymar oo kala Doortay cida fiican Messi iyo C.ronaldo,Bele iyo Messi,Mancity iyo Real madrid


Neymar ayaan ka laba-labeynin jawaabtiisa markii la weydiiyay xiddiga adduunka ugu fiican. Sida la qiyaasi karayna waxa uu doortay saaxiibkiisa kooxda Barcelona Lionel Messi, inkastoo uu diiday inuu kala doortyo xiddiga reer Argentina iyo halyeeyga reer Brazil Pele.

"Anigoo ixtiraamaya cagta midig ee Cristiano, waa inaan doorto cagta bidix ee Messi. Laakiin aniga xitaa cagteyda midig ma xuma.” ayuu ku jawaabay xiddiga Barcelona Neymar mar uu wareysi siinayay joornaalistaha UOL Mauro Beting.

24 jirkaan ayayse ku adkaatay inuu kala doorto Messi iyo Pele, si uu uga fogaado inuusan ka careysiinin dalkiisa reer Brazil ayuu isku dayay inuu jawaab dhexdhexaad ah bixiyo: "Nasiibdarro ma aanan arki Pele oo ciyaaraya. Markii aan soo korayay awowgeey iyo aabaheey ayaa iiga sheekeyn jiray sida uu u fiicnaa. Waa su’aal aad u adag sababtoo ah waxaan kaliya arkay Messi oo ciyaaraya. Labadoodaba waa hanadlayaal.”

1456918853_036171_1456919152_noticia_normal

Iyadoo laga bedelay mowduuca laga hadlayay waxaa la weydiiyay inuu kala doorto Real Madrid iyo Manchester City oo ah labo kooxood oo si joogta ah loola xiriiriyo. "Waxaan jeclaan lahaa inaan arko Real Madrid oo badineysa marka loo eego Man City.”

Xiddiga Brazil inkastoo uu sheegay inuu ku faraxsan yahay nolosha Catalunya hadana waxa uu sheegay inuusan marnaba xeebta Santos ku bedelan laheyn tan Barcelona. "Xeebaha Santos ayaan dooran lahaa shaki la’aan. Inaan asxaabteyda kula ciyaaro kulan shan ciyaaryahan ah.”

1456918853_036171_1456920108_sumario_normal

Xiddiga South America ka soo jeeda ayaa durbaba ku guuleystay Copa Libertadores iyo Champions League. Isagoo dhadhamiyay guulaha labada koob hadana waxa uu doortay kan Yurub. "Copa Libertadores waa xamaasad badan yahay laakiin Champions League… markii ugu horeysay ee aan maqlay astaanta koobka waxa ay ii aheyd dareen gaar ah. Waa sida inaad ciyaar gacmeed ku dhex jirto; waa riyada canug walba. Waana sababta aan u dooranayo Champions League.”

Maxamed Andar

Afkashacabka.com

Hargeisa office