Bayern Munich Oo Qorsheyneysa Inay Xagaaga La Soo Wareegto Daafaca Kooxda Chelsea David Luiz.

0
Friday February 14, 2014 - 22:50:34 in by Super Admin
  • Visits: 1407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bayern Munich Oo Qorsheyneysa Inay Xagaaga La Soo Wareegto Daafaca Kooxda Chelsea David Luiz.

    Kooxda heysata horyaalnimada Bundesliga Ee Bayern Munich ayaa tartan xoogan la gali doonta kooxda hogaanka u heysa La Liga Ee Barcelona tartankaa oo ku aadan suurta galnimada ay kula soo wareegi karaan daafaca kooxda Chelsea David Luiz marka uu dhama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda heysata horyaalnimada Bundesliga Ee Bayern Munich ayaa tartan xoogan la gali doonta kooxda hogaanka u heysa La Liga Ee Barcelona tartankaa oo ku aadan suurta galnimada ay kula soo wareegi karaan daafaca kooxda Chelsea David Luiz marka uu dhamado xilli ciyaaredkan.


Xiddiga heerka caalami Ee xulka Brazil iyo kooxda Chelsea ayaa waayay booskii joogtada ahaa Ee uu ka heysaty kooxda galbeedka London ka dhisan Ee Chelsea kadib markii uu Jose Mourinho ka door biday Gary Cahill xilli Terry uu qaab ciyaareed wanagsan la soo baxay.

Toddobadyadii la soo dhaafay ayaa la hadal hayay inu David Luiz isaga tagi doono Stamford Bridge xagaag marka uu suuqa kala iibsiga ciyaartoyda dib u furmo iyadoo loo badinayo inuu u dhaqaaqi doono camaliqada Catalonia Ee Barcelona oo in badan doon dooneysa 26 jirkan.

Dhab ahaantii, kooxda Catalans ayaa ku guuldareystay dalab lacago badan ku kacaya oo ay xiddigan ka gudbiyeen xagaagi hore lakiin xilligaa wuxu ah mid asaasi ka ah kooxda balse Jose Mourinho ayaa ka dhawjiayay xiddighisa qaar inaysan qorshihisa xilli ciyaaredkan aysan ku jirin oo uu hor kacayay Juan Mata.

Si kastaba ha ahaatee kooxda hanatay Champions League sanadi la soo dhaafay Ee Bayern Munich ayaa sido kale dhankoda ka xiiseynaya xiddigan reer Brazil iyadoo kooxda Bavarians ay ku doonayan lacago ka badan inta ay Barca ku dooneyso xiddigan, Guardiola ayaa doonaya inuu xagaaga la soo wareego daafacan inkastoo ay meesha ku jirto dooqa ciyaaryahanka Ee ah Barcelona.

Afkashacabka,com
Hargaysa/Office 
Somaliland