Arsene Wenger Oo Wax Lagu Caajiso Ku Tilmaamay Eedeymaha Uga Imaanaya Saxaafada Iyo Taageerayaasha Kooxda Arsenal .

0
Tuesday March 08, 2016 - 08:53:40 in by Burco Office
  • Visits: 798
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsene Wenger Oo Wax Lagu Caajiso Ku Tilmaamay Eedeymaha Uga Imaanaya Saxaafada Iyo Taageerayaasha Kooxda Arsenal .

    Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa ku weeraray saxaafada iyo taageerayaasha dhaleeceyntooda lagu caajisay ee la xiriirta shaqada uu ka qabanayo Emirates Stadium.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa ku weeraray saxaafada iyo taageerayaasha dhaleeceyntooda lagu caajisay ee la xiriirta shaqada uu ka qabanayo Emirates Stadium.


Kooxda Gunners ayaan badinin shan kulan oo isku xigta tartamada oo dhan tan iyo markii ay Leicester City ka badiyeen bishii Febraayo, waxaana ay qarka u saaran yihiin inay ka haraan Champions League halka ay ka sibxanayaan tartanka horyaalka Premier League.

Laakiin ka hor kulanka ku celiska ee wareega 16ka ee FA Cup ee ay caawa la ciyaarayaan Hull City, tababaraha Faransiiska ayaa weerar adag ku qaaday dadka u ololeynaya inuu ka tago kooxda North London ka dhisan haddii ay ku guuldareystaan inay koob hantaan xilli ciyaareedkan.


"Fiiri, waxaan halkaan ka shaqeeyay 19 sannadood, waxaana halkaan soo fariistaa mar walba anigoo shaqadeyda difaacaya oo cadeynaya inaan ku haboonahay shaqadaan.” ayuu Wenger u sheegay suxufiyiinta.

"Wax dhibaato ah kuma qabo inaan maareeyo wax walba laakiin waxaan u arkaa wax lagu caajiso. Waxaan mar walba idin ka dhaadhicinayaa inaan shaqadaan ku haboonahay. Waxaan heerka sarre ee kubada cagta ka shaqeynayaa muddo 35 sannadood ah.

"Waxaane u arkaa wax lagu caajiso inaan mar walba halkaan soo fariisanayo ka dib 19 sannadood oo aan wajaho su’aasha ah ‘ma u maleyneysaa inaad ku haboon tahay shaqada?’ Ma isticmaalo Twitter. Cidna kuma martiqaado inaan isla casheyno. Waan shaqeeyaa oon shaqeeyaa.

"Haddii aysan taasi fiicneyn, qof ayaa ii sheegi doonaa taas maalin. Waana intaas waxa aan sameyn karo. Walwal kama qabo waxa aad adinka joornaaliistayaashiisa iga sheegtaan aniga ama waxa ay taageerayaasha iga yiraahdaan aniga.

"Waxaana isku dayaa inaan shaqadeyda si wacan u qabsao, waana u heelanahay. Ka dib markaas qof walba xaq ayuu u leeyahay fekerkiisa.

"Saameyn kuma yeelan karo habdhaqanka taageerayaasha. Sideen ku sameyn karaa taas? Ma aqaano. Waxaa ahay qof maalin walba su’aal iska keena, aqbala qaladaadkiisa, i aamina waan sameeyaa taas.

"Ma ahan wax kama ku dhacay in dadka kooxda iska leh ay ii sheegaan inaan 19 sanadood halkaan joogo. Miyaad u maleyneysaan inay idinka doqonsan yihiin?”