Paul Pogba Oo Niyada Kajabiyay Kooxdiisa Kadib Markii Uu Dalbaday Mushaar Xad Dhaaf Ah

0
Tuesday March 08, 2016 - 09:03:30 in by Burco Office
  • Visits: 936
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Paul Pogba Oo Niyada Kajabiyay Kooxdiisa Kadib Markii Uu Dalbaday Mushaar Xad Dhaaf Ah

    Xidiga khadka dhexe kaga cayaaro xulka France Paul Pogba ayaa la yimid shuruud uu doonayo inuu xagaagan kooxdiisa Juventus uga hayaamo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidiga khadka dhexe kaga cayaaro xulka France Paul Pogba ayaa la yimid shuruud uu doonayo inuu xagaagan kooxdiisa Juventus uga hayaamo.


22-jirkan ka mid ah laacibiinta aduunka ugu wanaagsan ayaa dalbanayo in xagaagan la siiyo mushaar gaarayo £300,000 todobaad walbo.

Dalabka Pogba oo aad u sareeyo kaliya kooxaha reer England ayaa ka jawaabi karaan waxaana si gaar ah xiiso ugu qabaan inay xidigan ula saxiixdaan Chelsea iyo Man City.

Sidoo kale kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo PSG ayaa dabagal ku hayaan Pogba balse lacagaha uu dalbanaayo  ayay sedexdaan naadi taxadir ka muujinayaan madaaa Pogba uusan ahayn gool dhaliye balse shaqadiisa ay tahay inuu kubada dhiso ama raaco Khadka Dhexe 

Kooxda Juventus wax walaac ah ma qabto waxayna xagaagan Paul Pogba ku dooneysaa qiimo ka bilaabanayo £60m sidaa darteed naadiga reer Talyaaniga xidigan iibkiisa lacago badan ayay ku heli doontaa.

Wargeska Daily Star ayaa qoray in Pogba uu haatan ka mid yahay xidigaha Yurub ugu tayada wanaagsan sidoo kalena aysan ahayn wax lala yaabo inuu dalbado mushaarkan aadka u sareeyo.