10 Qof Oo Ku Dhintay Dagaal Ka Dhacey Beled-Xaawo

0
Wednesday May 14, 2014 - 07:48:59 in by salman abdi
  • Visits: 953
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10 Qof Oo Ku Dhintay Dagaal Ka Dhacey Beled-Xaawo

    Dagaalkan ayaa u dhexeeya Maleeshiyaad ka soo kala jeedda Maamulada Jubaland iyo Ehlusuna wal-jameeca oo gacan ka helaya Ciidamda dawladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalkan ayaa u dhexeeya Maleeshiyaad ka soo kala jeedda Maamulada Jubaland iyo Ehlusuna wal-jameeca oo gacan ka helaya Ciidamda dawladda

Inta la ogyahay 10 ruux ayaa ku dhintay dagaal qadhaadh oo degmada Beled-Xaawo maanta ka dhacay, waxaana la sheegay in lix ka mid ah dadka dhintay ay ku dhaceen Madaafiic la is waydaarsaday.

Dagaalkan ayaa u dhexeeya Maleeshiyaad ka soo kala jeedda Maamulada Jubaland iyo Ehlusuna wal-jameeca oo gacan ka helaya Ciidamda dawladda ee halkaasi ku sugan, waxaanay labada dhinac ku muransanyihiin Maamulka Degmadan.

Degmada Beled-xaawo oo ka tirsan gobolka Geddo ayaa maalmo ka hor waxa dagaal khasaare sababay ku dhex maray labada Maleeshiyo ee Dagaalamaya.

Sida ay wararku sheegayaan dhimashada ayaa u badan dhinacyada dagaalamayay, iyadoo dagaalku sababay dhaawac iyo baro-kac.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in dagaalka shalay dhacay ay ku soo qaadeen ciidamo taageersan maamulka KMG ah ee Jubba oo ka yimid degmada Doolow "Waxaa maanta duulaan nooga yimid dhanka degmada Doolow oo ciidamo taageersa Maamulka Juba ay na soo weerareen, mas’uuliyada dagaalkaas waxaa dusha u ridanayo Gudoomiyaha degmada Doolow”ayuu yidhi Maxamed Cabdi Kaliil.

Sarkaalka ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen dad shacab ah oo ay ku dhaceen madaafiic lays weydaarsadau, guryona ku gubteen. Isagoo ku baaqay in Maxkamada la horkeeno Gudoomiyaha degmada Doolow.

Ra’iisal wasaarah Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Gaas oo dagaalka maalmo ka hor dhacay ka hadlay, ayaa ku hanjabay inaanay dawladdu ka hadhi doonin dhinacyada dagaalamay,lana xisaabtami doonto. Waxa uu ku baaqay inay joojiyaan dagaalka, isla markaana nabad-gelyada ixtiraamaan.

Waxaase muuqata inaan wali dhinacyadu dheg jalaq u siin hadalka adag ee ka soo yeedhay dawladda Soomaaliya. Dagaalka ayaa sababay baro kac ku yimi dadka deegaanka muddo todobaad ku dhow.


Ma jirto ilaa hadda wax waan waan ah iyo talaabooyin dagaalka lagu qaboojinayo oo socdaa, marka laga yimaado inay labada dhinac iskood xabada u joojiyeen wakhti aan cayinnayn. Dawladda ayaan wali wax war ah ka soo saarin iska hor-imaadka kale ee a dhacay. Dadka deegaanka ayaa wali ku jira cabsi ah in dagaalku sii xumaado.





Afkashacabka.com

Muqdisho /Office

Contact@afkashacabka.com