LIONEL MESSI OO HESHIIS CUSUB USAXEEXAYA BARCELONA ISAGOO NOQONAYA CIYAARTOYGII ABID UGU MUSHAARKA BADANAA

0
Wednesday May 14, 2014 - 08:01:33 in by salman abdi
  • Visits: 1048
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    LIONEL MESSI OO HESHIIS CUSUB USAXEEXAYA BARCELONA ISAGOO NOQONAYA CIYAARTOYGII ABID UGU MUSHAARKA BADANAA

    Lionel Messi ayaa kooxda Barcelona u saxeexaya heshiis cusub oo ka dhigaya ciyaartoyga ugu mushaarka badanaa abid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lionel Messi ayaa kooxda Barcelona u saxeexaya heshiis cusub oo ka dhigaya ciyaartoyga ugu mushaarka badanaa abid.

Aabaha Messi ayaa todobaadkii hore la kulmay maamulka kooxda Barcelona waxaana hadda la soo gabagabeeyay wada hadalo u socday kooxda iyo xiddigooda Messi.

Heshiiskan ayaa Messi ku hayndoona Barcelona illaa sanadka 2018. Messi oo 27 jirsanaya bisha June ayaa kooxda Barcelona ka ciyaartoy aad ugu muhiim ah waxayna go’aan ku gaadheen inay heshiis aan hore loo arag lagalaan laacibkooda.

Waxaa sidii hore sii ahaandoona qodobkii sheegayay in haddii kooxi ku soo dalbato Messi lacag gaadhaysa £200million inuu kooxda ka tagi karo balse waxaa is badalay mushaarka uu qaadan doono waxaana la rajaynayaa inuu noqondoono 15.5 Million oo xaasil ah wuxuuna sidaa ku noqonayaa ciyartoyga ugu mushaarka badan.

Barcelona ayaa qorshaynaysa inay heshiiska ku dhawaaqdo todobaadka soo socda. Waxaana soo dadajin kara haddii ay kooxda Barcelona ku guulaysato horyaalka.





Afkashacabka.com/ Sports


Contact@afkashacabka.com