
Badhasaabka Awdal oo booqday Goobta carbiska ciidanka qalabka sida ee u diyaar garoobaya xuska 18 may ee 2014
waxana uu saaka abaaro 6dii subaxnimo uu badhasaabka Awdal Cabdoo Axmed Aayar booqday ciidamada qalabka sida ee carbisku uga socdo garoonka diyaaradaha ee magaalada Boorama.
Badhasaab Cabdoo ayaa markii uu halkaasi tagay indhaha soo saaray dhoolatusyada wacdaraha ah ee ay ciidamada qalabka-sida ee fadhigoodu yahay gobolka Awdal ugu diyaar garoobayaan xuska munaasabada 18 May ee ku astaysay maalintii uu dalkani dib ula soo laabtay qaranimadiisa, waxana uu badhasaabku salaam sharaf ka qaatay ciidamada qalabka sida, isaga oo ku amaanay sida ay habeen iyo maalin heeganka ugu yihiin ilaalinta qaranimada Somaliland.
Sidoo kale Badhasaab Cabdoo waxa uu ka waramay sida ay qaban qaabada 18 May uga socoto Gobolka Awdal waxana uu yidhi "Waxa aan qirayaa in wax walba si balaadhan u socdaan, sidoo kale guud ahaan gobolka Awdal-na looga diyaargaroobayo si wayn, sidoo kale waxa naga go’an ka Awdal ahaan inaan muujino sida ay qadiyada Somaliland nooga go’an tahay, caalamkana tusno in dalkani yahay mid iskii u goostay in uu ka xoroobo dalkii Somaliya la isku odhan jiray isaga oo dareenka shacanka reer Somaliland mudnaanta siinaya”
Badhasaab Cabdoo waxa kale oo uu ugu baaqay shacabka reer Somaliland gaar ahaan shacabka reer Awdal inay nabadgalyada adkeeyaan, indho feejiganaka ku hayaan cadawga gudaha iyo kan dibadaba inta ay socoto dabaaldagyada balbalaadhan ee munaasabada 18 May ee 2014.
Afkashacabka.com Borama /Office Contact@afkashacabka.com





0 

Badhasaabka Awdal oo booqday Goobta carbiska ciidanka qalabka sida ee u diyaar garoobaya xuska 18 may ee 2014
Si wayn ayaa looga dareemayaa gudaha magaalada Boorama u diyaar garowga xuska munaasabada 18 May 2014,