
Badhasaabka Gabiley Oo Ka Waramay Waxyaabihii uu ku Soo Arkay Degmooyinka Gobolka
Guddoomiyaha gobolka Gabiley Md. Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine) ayaa sheegay in ay baahiyo badan oo kala duwani ay ka jiraan deegaamo ka tirsan gobolkaasi, waxaanu tilmaamay in degmooyin badan oo uu soo kormeeray uu ku soo arkay xaalado laga naxo oo aad u liita.
Mustafe Shiine oo xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN, waxa kal eoo uu sheegay in kormeero uu maalmihii u danbeeyay ku soo maray degmooyin ka tirsan gobolka ay ahaayeen kuwo uu ugu kuur gelayay xaaladaha nololeed ee ka jira deegaamadaasi iyo sida u kala duwan yihiin duruufaha ku gedaaman iyo sidoo kale baahiyaha ka jira meelahaasi.
Badhasaabka cusub ee gobolka Gabiley, isaga oo ka hadlayay ujeedada kormeer uu ku soo maray deegaamo ka tirsan gobolka Gabiley waxa uu yidhi "Waxaan xilka la wareegay Sabtidii todobaadkan u jeeadda kormeerkani waxa weeye sidii aan xog ogaal ugu noqon lahaa xaaladda degmooyinka gobolka hoos yimaada, si aan aniga oo xafiiska fadhiya iigu iman oo xaajo aanan warkeeda ogayn la iigu keenin, sidaas awgeed ayaan kormeerkan u sameeyay in aan dadka deegamadooda ugu tago, ulana kulmo dhalinyaro, waayeel, haween oo aan u soo ogaado xaaladooda, taas ayaana keentay in kormeerkan sameeyo, safarkayga waxaan markii u horaysay ka bilaabay maalintii aan xilka la wareegay maalintii ka danbaysay, degmadda Allaybaday waxaan ku xigsiiyay geed balaadh, Wajaale iyo kala baydh iyo dhulka u dhexeeya, waxaanan kulamo la qaatay maamulada degmooyinkaasi iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda, sida odayaasha, waxgaradka, haweenka iyo dhallinyaradda, waxaanay dhamaantoodba iiga xog warameen xaaladda deegaanka ay ku nool yihiin iyo baahiyaha ka jira.”
Waxaanu intaasi raaciyay "Waxaan halkaa ka helay xog aad u badan oo aan dhawaan soo saari doono waxyaabihii aanu ka wada hadalnay, maalintii Isniinta waxaan ku hawlanaa arrimo xafiiska, maadaama oo ay 18-ka May kaabiga inagu soo hayso in aan la kulmo gudida qabanqaabada xuska 18-ka May ee gobolka Gabiley, gudidaasi oo aan ka xog waraystay halka ay hawluhu u marayaan kuna dhiirigeliyay inay si wanaagsan u gutaan hawsha ay hayaan, sidoo kale waxa aan la kulmay isku duweyaasha gobolka, kuwaasi oo aan dhamaantood kala hadlay sidii ay waajibaadkooda shaqo u gudan lahaayeen, waxa kale oo aan la kulmay ardayda jaamacada, iyo ururada arrimaha bulshada qaybahooda kala duwan, sida wakaaladda biyaha” ayuu yidhi Mustafe-shiine.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay kormeero uu ku soo maray deegaamadda woqooyi ee goblka Gabiley, waxaanu yidhi "Waxa aan u baxay kormeer aan ku tegay deegaamadda woqooyiga, sida caadda, Agabar iyo meelo kale kuwaasi oo sidoo kale aanu is xog waraysanay bulshadda deegaamaddaasi ku dhaqan, waxa kale oo aan tegay degmadda Arabsiyo oo ay dadweynaha ku dhaqan si wanaagsan ii soo dhaweeyeen. Waxaan la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshadda, aniga oo si gaar ah ula kulmay xubnaha degmadda Arabsiyo ee ururka NAW, waxaanan soo maray goobo muhiim ah sida sariibadda Arabsiyo oo aan ku soo arkay xaalad laga naxo, taasi oo ku taala geed qudhac ah hoostiisa, dhinacna ay wadadu ka marto, meesha xashiiska lagu ururiyana ay u jirto wax ka yar 8-ded tallaabo, taasi oo ah runtii mid wax ka qabasho u baahan.” ayu yidhi
Guddoomiyaha oo aanu waydiinay baahiyaha ugu daran ee ka jira deegamadda uu soo maray, waxa uu ku jawaabay "Deegaamadu way ku kala duwan yihiin baahiyaha oo kale dhamaanba deegaamadu way ka siman yihiin, sida Agabar oo ah degmo aad u balaadhan, waxa ay aad uga cabanayeen waa Anbalace, aanay degmadu lahayn, iyada oo haddii ay gabadh umul ah oo kale dhiigbaxdo, waxa loola soo cararaa caasimada oo aad uga fog, markaa degmadaasi dhibaato badan ayaa haysata, ma jiraan wax gaadiid dawladeed ah oo joogaa, talaabada waxaan dhisnayn adeegii bulshada, xataa ciidamo boolis ahi ma joogaan, hal nin oo keliya ayaa jooga.”
Waxa kale oo uu guddoomiye Shiine, sheegay in dhibaatada ugu weyn haysata isu duweyaasha waaxyaha gobolka ay tahay, iyada oo aanay qarkood lahayn xafiisyo ay ku shaqeeyaan, waxaanu yidhi "Dhibaatadda haysata isu duweyaasha waxay tahay qaarkood xafiisyaba ma leh, mar haddii aanay xafiisyaba lahayn ma jirto meel loogu hagaago iyo shaqo ay qaban karaan midna, waxa jirta in aanay wasarado badani xafiisyaba lahayn, markaa maadaama oo uu gobolku dhaqaale badan leeyahay waa in la helaa xafiisyo lagu shaqeeyo.”
Sidoo kale Mustafe Shiine waxa uu ka waramay waxyaabaha u qorshaysan iyo meelaha uu doonayo in uu wax ka qabto, waxaanu yidhi "Meelaha ugu muhiimsan ee aan doonayo in aan wax ka qabto waa arrimaha bulshadda, waxaan rabaa in aan wax ka qabto, biyaha, cafimaadka iyo waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha oo ay nabadgelyadu kow ka tahay, waxaan doonayaa in wax muuqda ka qabto degmo walba baahida ugu daran ee haysata, waxaanay bulshadu aad uga cabanayaan in masuuliyiintii soo martay intooda badani aanay waxba ka qaban, ninka keliya ee dadku amaanayaan waa badhasaabkii ugu horeeyay ee Xabiib, oo nin dhalinyaro ahaa, oo xidhiidh wanaagsan bulshada lahaa, oo xataa loogu magacdaray sariibadda cusub ee dhawaan la furay.”
Mar uu ka hadlayay sida ay ugu diyaargaroobeen xuska munaasibadda 18-ka May oo fooda inagu soo haysa, waxa uu yidhi "Diyaar garaw aad u wanaagsan ayaa ka jira guud ahaan gobolka, qalab aad u badan ayaanan gaadhsiiyay, sida calamo, garamaan, koofiyado iyo waxyaabo kale ayaan u kala diray gobolka, bulshada gobolkuna aad ayay u dedaalayaan, waxaanan rabnaa in aanu tartan la galno gobolada kale ee dalka, waxaananu rejaynaynaa in aanu si wanaagsan uga qayb qaadano xuska munaasibada 18-ka May.”
Xigasho: DAWAN
Afkashacabka.com
Hargeysa /Office
Contact@afkashacabka.com





0 

Badhasaabka Gabiley Oo Ka Waramay Waxyaabihii uu ku Soo Arkay Degmooyinka Gobolka
Badhasabku wuxu sheegay in degmooyin badan oo uu soo kormeeray uu ku soo arkay xaalado laga naxo oo aad u liita.