Shaqo Joojin lagaga Dhawaaqay Dalka Turkiga iyo Mudaharaado Curtay

0
Thursday May 15, 2014 - 11:59:34 in by Super Admin
  • Visits: 1058
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqo Joojin lagaga Dhawaaqay Dalka Turkiga iyo Mudaharaado Curtay

    Dalka Turkiga Ayaa Lagaga Dhawaaqay Shaqo Joojin Waxaana Ka Socoda Mudaharaadyo Lagaga Soo Horjeedo Shaqaalihii 270 Qof Ka Badanaa Ee Ku Dhintay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalka Turkiga Ayaa Lagaga Dhawaaqay Shaqo Joojin Waxaana Ka Socoda Mudaharaadyo Lagaga Soo Horjeedo Shaqaalihii 270 Qof Ka Badanaa Ee Ku Dhintay.

 

 

Booliska waddanka Turkiga ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday kumannaan dibadbaxayaal ah oo isugu soo baxay magaalooyinka Istanbul iyo Ankara.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in dowladda ay iscasisho kaddib shil ka dhacay goob dhuxusha laga qodo.

Ilaa haatan 274 ruux ayaa meydkooda laga soo saaray goobta oo ku taalla deegaanka Soma.

Ururrada shaqaalaha ee Turkiga ayaa ku baaqay shaqo joojin, iyagoo ka cabanaya sida ay dowladda u maaraysay waaxda macdanta ee dalkaas.Boqollaal qaraabo la ah dadka ka shaqeynayay goobta macdanta laga qodo oo walwalsan ayaa ku soo ururay meel u dhow meesha laga qodo macdanta.

Ra'iisalwasaare Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay, in dareenkiisa uu la jiro dadka ay saameysay musiibada.Xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee Republican People's Party ayaa sheegay in dowladda ay qaadayso mas'uuliyadda waxa ay ku tilmaameen musiibada weyn ee ka dhacday goobta laga qodo macdanta ee Soma,Kooxaha gurmadka ayaa ku howlan si ay u soo badbaadiyaan dadka weli ku xayiran dhulka hoostiisa.






Contact@afkashacabka.com