Booliska waddanka Belgam Oo Soo Saaray Sawirada Dadka Lagu Tuhunsan Yahay Qaraxyada Brussels.

0
Wednesday March 23, 2016 - 08:14:02 in by salman abdi
  • Visits: 656
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska waddanka Belgam Oo Soo Saaray Sawirada Dadka Lagu Tuhunsan Yahay Qaraxyada Brussels.

    Booliska dalka Belgian ayaa soo saaray sawirada saddex ruux oo lagu tuhunsan yahay inay ka qeybqaateen weeraro qaraxyo ah oo maanta lagu qaaday Brussels.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska dalka Belgian ayaa soo saaray sawirada saddex ruux oo lagu tuhunsan yahay inay ka qeybqaateen weeraro qaraxyo ah oo maanta lagu qaaday Brussels.


Qaraxyadan ayaa waxa ay ka dhaceen garoonka diyaaradaha magaalada Brussels iyo xarun laga raaco tareenada iyadoo labo qarax oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ay ku dhinteen 10 ruux halka xarunta tareenada laga raacaa ay ku dhinteen 20 kale.Saddex ruux oo riixeysa boorsooyin kuna gudaha garoonka diyaaradaha ee Zaventem ayaa boolisku soo bandhigeen iyadoo la rumeysan yahay in mid ka mid ah saddexda ruux uu nool yahay halka labada kalana ay ahaayeen dadkii isku qarxiyay garoonka diyaaradaha.

Ururka IS ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weerarada lagu qaaday magaalada Brussels. Qoraal ay soo dhigeen barta internetka ayay ku sheegeen ururka IS in si taxadar leh loo doortay halka la weerarayo waxayna ku hanjabeen in weeraro kale oo kan maanta ka xun ku qaadayaan dalalka ka soo horjeeda ururka IS.

Booliska ayaa baadigoobaya qofka saddexaad ee la socday labada ruux ee la rumeysan yahay in ay weerarka geysteen waxana uu qofkan sitey koofi iyo jaakad aan midab lahayn, waxayna boolisku codsadeen in ay soo wargeliso ciddii aragta qof leh muuqaalka ninkan. 




 Contact@afkashacabka.com