Madaxweyne Gaas Oo Maanta Booqanaya Goobihii Ciidamada Puntland Kula Dagaalameen Al-Shabaab

0
Wednesday March 23, 2016 - 14:38:18 in by Burco Office
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Gaas Oo Maanta Booqanaya Goobihii Ciidamada Puntland Kula Dagaalameen Al-Shabaab

    Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta lagu wadaa inuu tago deegaanadii Ciidamada Puntland kula dagaalameen Al-Shabaabkii doonyaha kaga soo degay xeebaha Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta lagu wadaa inuu tago deegaanadii Ciidamada Puntland kula dagaalameen Al-Shabaabkii doonyaha kaga soo degay xeebaha Puntland.


 

C/wali Gaas oo shalay booqday xeryaha ciidamada ku leeyihiin Garowe, kadib markii ay ku soo guuleysteen dagaaladii ay la galeen Al-Shabaab ayaa sheegay in Puntland ay mar walba ka guuleysaneyso cid kasta oo ku soo duusha.

Madaxweyne Gaas oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Saraakiisha Ciidamada ayaa la filayaa inay tagaan deegaanka Garacad oo aheyd goobtii u horeysay ee Al-Shabaab doonayaha kaga soo dageen 14-kii bishan.

Kormeerka uu ku tagayo aaggaga dagaal ayaa lagu tilmaamay mid uu ku dhiira gelinayo ciidamada, isla markaana uu ku muujinayo garab istaag.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay inay soo afjareen dagaaladii ka dhacay deegaano ka tirsan Mudug iyo Nugaal, isla markaana Shabaabkii soo duulay ay dib ugu laabteen deegaano ka tirsan Gobolada Dhexe.

Puntland ayaa maalin ka hor ku dhawaaqday inay si rasmi ah u soo afjartay howl galkii Suuj, isla markaana ku dishay illaa 160 dagaalyahan, ayna ku qabatay maxaabiis ka badan sodon ruux.