
Saddex Ka Mid Ah Dalalka Yurub Oo Ka Digay U Safridda Kenya
Waddamada Britain, France iyo Australia ayaa uga digay muwaadiniintooda inay tagaan goobaha loo dalxiis tago ee ku yaala dalka Kenya. War ka soo baxay Wasaaradaha dalalka Britain, France iyo Australia ayaa lagu sheegay in muwaadiniintooda ay ka digtoonaadaan khatar dhinaca ammaanka ah oo uga imaaneysa goobaha loo dalxiis tago ee dalka Kenya, iyagoo sheegay in xaaladda ammaan ee dalalka Kenya ay tahay mid aan hagaagsaneyn xilligaan.
Sidoo kale dalalkan saddexda ah ayaa muwaadiniintooda ku sugan dalka Kenya iyo kuwa haatan doonaya inay tagaan waxay ku amreen inay si degdeg ah uga baxaan dalka Kenya, bacdamaa sida ay sheegeen laga cabsi qabo inay ka dhacaan weeraro kooxaha argagixisada ahi ka geystaan goobaha muhiimka ah ee dalkaas.
Dhinaca kale digniinta dalalkaan ayaa ku soo beegantay xilli dhawaan magaalada Nairobi ay ka dhaceen qaraxyo galaaftay nolosha dad fara badan, waxayna dalalka soo saaray digniintaan ay u sheegayaan muwaadiniintooda inay muujiyaan taxadir iyo feejignaan.
Contact@afkashacabka.com





0 

Saddex Ka Mid Ah Dalalka Yurub Oo Ka Digay U Safridda Kenya
Sidoo kale dalalkan saddexda ah ayaa muwaadiniintooda ku sugan dalka Kenya iyo kuwa haatan doonaya inay tagaan waxay ku amreen inay si degdeg ah uga baxaan dalka Kenya