Ciidamada Ilaalada Cashuuraha Dekedda Berbera Oo Qabtay Gaadhi Lagu Soo Raray Garaabo La Tumay Oo La Doonayay In Loo Dhoofiyo Dalka Yurub+Sawiro

0
Wednesday March 23, 2016 - 18:32:35 in by Burco Office
  • Visits: 984
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Ilaalada Cashuuraha Dekedda Berbera Oo Qabtay Gaadhi Lagu Soo Raray Garaabo La Tumay Oo La Doonayay In Loo Dhoofiyo Dalka Yurub+Sawiro

    magaalada berbera ayaa sheegaya in Ciidanka ilaalada cashuurha Dekeda Berbera iyo shaqaalaha Dekeda Berbera oo iskaashanaya ay Gacanta ku dhigeen gaadhi 24 ton ah oo siday Garaabo La Soo tumay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

magaalada berbera ayaa sheegaya in Ciidanka ilaalada cashuurha Dekeda Berbera iyo shaqaalaha Dekeda Berbera oo iskaashanaya ay Gacanta ku dhigeen gaadhi 24 ton ah oo siday Garaabo La Soo tumay

oo Xinaha dumarku marsadaan loo ekeysiiyay, isla markaana la doonaayay in Dekeda Berbera laga Dhoofiyo, iyada oo Lagu Guray Koonteenar lagu Geynayo dalalka yurub ee dhawaan jaadkii loo iib gayn jiray laga joojiyay.

Jaadkan ama garaabadan lasoo tumay ee lagu soo raraygaadhigan ayaa waxa qabtay qabtay oo ka shakiyay badeecadan garaabada ah ee sida kontarabaanka ah la doonaayay in Dekeda Berbera looga dhoofiyo Ciidanka ilaalinta cashuuraha ee turubo taariyada Dekeda Berbera,iyaga oo ka shakiyay xinahan dalka debediisa loo dhoofinayo taasi oo layaab ku noqotay in xine dalka debediisa loo dhoofinayo kadib markii ay karaatoontii lagu soo moor gareeyay ay fureen ayna ugu tageen garaabo ama jaad la tumay oo baco lagu xidhay kadibna karaatoonta lagu xabkeeyay.

Waxaana wararku intaa ku darayaan in gaadhigan u rarnaa sida la sheegay laba nin oo aan hore Dekeda waxna ugala soo dagi jirin waxna aan uga dhoofin jirin imikana ay ugu horeyso Dekeda Berbera.

waxaanay labadii nin iyo gaadhigii Waaraadka ahaaba (Candha Meydhle) kuxidhan yihiin saldhiga Booliska ee Dekeda Berbera.

Waxii warara ee soo kordha kala soco shabakada Ramaasnews

123456

 

Ramaasnews-desk