Muslimiinta Ku Nool Belgium Oo Saamayn Baladhan Ku Yeelatay Weeraradii Lagu Qaaday Magaalada Brussels+Sawiro

0
Thursday March 24, 2016 - 09:02:36 in by salman abdi
  • Visits: 618
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muslimiinta Ku Nool Belgium Oo Saamayn Baladhan Ku Yeelatay Weeraradii Lagu Qaaday Magaalada Brussels+Sawiro

    Muslimiinta ku nool Caasimadda Belgium-ka, ayaa waxaa saamayn guud ku yeeshay labadii weerar ee Talaadadii ka kala dhacay Garoonka Zaventem iyo boosteejada laga raaco tareenada dhulka hoostooda mara.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muslimiinta ku nool Caasimadda Belgium-ka, ayaa waxaa saamayn guud ku yeeshay labadii weerar ee Talaadadii ka kala dhacay Garoonka Zaventem iyo boosteejada laga raaco tareenada dhulka hoostooda mara.


Residents of the Brussels suburb of Molenbeek are searched by police before taking part in a memorial gathering to honour the victims of the recent deadly Paris attacks, in Brussels, Belgium, November 18, 2015. REUTERS/Yves Herman - RTS7SDT

Residents of the Brussels suburb of Molenbeek are searched by police before taking part in a memorial gathering to honour the victims of the recent deadly Paris attacks, in Brussels, Belgium, November 18, 2015. REUTERS/Yves Herman – RTS7SDT

34

Cabsi badan, ayaa waxaa la leeyahay waxay la soo deristay Muslimiinta degan Caasimadda Belgium-ka iyo guud ahaanba dalkaasi, ka gadaal markii uu Ururka Daacish uu si buuxdo u sheegtay weeraradaasi.

Guddiga Culimada Muslimiinta, ayaa war ay soo saareen waxay si kulul ugu cambaareeyeen weeraradan, waxayna ku sheegeen kuwo ka baxsan Diinta Islaamka.

Culimadu waxay sheegtay inay garab taagan yihiin dowladda iyo bulshada reer Belgium, isla-markaana ay cadeynayaan inaysan Muslimiintu ku shaqo lahayn falkii lagu laayay in ka badan 35 ruux, laguna dhaawacay 250 kale.

Somalida ku nool dalkaasi, ayaan ku badnayn Magaalada Brussels, waxayna ku badan yihiin magaalooyinka kale ee dalkaasi, hadana waxaa si guud u saameeyay weeraradaasi.

Maxamed Gaafane oo ah Suxufi Somaliyeed oo degan dalkaasi, ayaa sheegay in Muslimiinta ay walaac badan ka qabaan aargudasho kaga timaada dadka aan Muslimka ahayn ee Belgium u dhashay.

Dadka reer Belgium ee aan Muslimka ahayn, ayaa barraha bulshada ku baahinaaya qoraalo ka dhan ah Muslimiinta, waxaana la dhihi karaa waxay kordhisay walaacii ay qabeen Muslimiinta dalkaasi degan. 




Contact@afkashacabka.com