"Siyaasadu Ma Taqaano Naxariista Ee Salaadiinta Imika Joogta Waxaan Ku Baraarujin Lahaa Inay Ka Fogaadaan, Haddii Kale Siyaasadu Cadaabaha Ayey Ka Waraabinaysaa"..Jaamaac Shabeel

0
Thursday March 24, 2016 - 17:18:15 in by salman abdi
  • Visits: 595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Siyaasadu Ma Taqaano Naxariista Ee Salaadiinta Imika Joogta Waxaan Ku Baraarujin Lahaa Inay Ka Fogaadaan, Haddii Kale Siyaasadu Cadaabaha Ayey Ka Waraabinaysaa"..Jaamaac Shabeel

    Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga talada Haya ee Kulmiye Garyaqaan Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) ayaa shacbiga ku dhaqan gobolka Maroodi-jeex ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan ka qayb qaadashada tirakoobka codbixiyeyaasha doorashooyinka oo dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga talada Haya ee Kulmiye Garyaqaan Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel) ayaa shacbiga ku dhaqan gobolka Maroodi-jeex ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan ka qayb qaadashada tirakoobka codbixiyeyaasha doorashooyinka oo dhawaan la filayo in hawsheedu ka bilaabanto goboka.

Jaamac Shabeel oo ayaa waxaa uu shacbiga reer Hargeysa kula taliyey in aanay dheg u dhigin murannada madhalayska ah ee siyaasadda hase yeeshee ay danahooda guud iyo kuwa qaranku ka sugayaba ku foofaan. "waxaan leeyahay reer Maroodijeex wax kasta oo kaleba dhulka iska dhiga ee u diyaar garooba diiwaangelintaas sida aad uga qayb qaadan lahaydeen yar iyo weynba,taasoo ah fursad ay tahay inaan la dayacin” sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Jaamac Shabeel  oo u waramay hctv.

 


Dhinaca kale Guddoomiye Jaamac Shabeel oo oo wax laga waydiiyey hadal-hayn in dhawaaleba dhinaca xisbul-xaakimka hoggaankiisa ku xidhiidhinaysay in ay ku lug leeyihiin xiisado hadheeyey saladannada Subeer Awa loo ka mid ah saldannadaha facaweyn leh ee ka jira Somaliland, waxaa uu yidhi "Salaadiintii baa horta xadkoodii ka soo tallaabay, Carabtu waxa ay tidhaahdaa ‘qofka dhex gala waxyaabaha macno-darrada ah, waxa uu kala kulmaa wax aanu raalli ka ahayn’ [Man-dakhalla maallaa-yacniihii, Laqiya-maallaa-yardiihiii]. Markaa qofku marka waxa aan shaqadiisa ahayn uu ku meeraysto wax aan farxad gelinin ayaa yimaada, [sidaas darteed] suldaanku waa in uu ogaadaa in dadkiisu ay saddexda xisbiba ku kala dhex jiraan, hadduu mid weeraro kalsoonidii wuu luminayaa. Suldaankuna wuu dabran yahay laakiin isma oga salaadiinta immika joogtaa, haddii marka horeba uu siyaasadda ka baxo oo uu halkaas fadhiyo, kalsoonidiisa wuu haysan lahaa oo muu lumiyeen” sida ayuu yidhi Jaamac-shabeel, waxana uu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya saldannada dhaqdhaqaaqyada Saldannada Subeeriyada ka dhex jira waqti xaadirkan waxaa uu sheegay in ay Somaliland oo dhanba ka jirto saldannadaheeda "Dhinaca Sacad Muuse oo keliya ma aha’e meel walba dhibaatadaasi way ka jirtaa immika. Markaas ma suldaanka ka baxay saaxadda siyaasadda ee bannaanka istaaga ee dhaqankii ilaaliya mise ka lugta soo gelgeliya. Ka lugta soo gelgeliyaa siyaasaddu ma naxdo, naxariistana ma taqaanno’e cadaabaha ayay ka waraabinaysaa. Markaa waxaan ku baraarujin lahaa salaadinta in ay ka fogaadaan siyaasadda haddii kale suldaanku ha ogaado in ay siyaasaddu tahay waxa wax burburiya ee gawraca ay tahay”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Garyaqaan Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE.
Waxana uu intaa ku daray isaga oo reer maroodi jeex hogatusaalaynaya "in badan bay reer Maroodi jeex ka caban jireen saamiga uu gobolkoodu ka helo xilalka dawladda, haday baarlamaanka tahay, haday goleyaasha deegaanka tahay iyo dhinac kastaba. Maanta gobolladii laga soo qabtay diiwaangelintu waxa ay ku wada qanacsan yihiin in wax lagu qaybsado diiwaangelinta, wanu soo wada marnay, waana nin iyo nasiibkii ee reer maroodi jeex yaanay ku habsaamin muranka waa inay u diyaar garoobaan oo ay u hawl galaan siday diiwaangelinta uga qayb qaadan lahaayeen”. Ayuu yidhi Jaamac Shabeel

 

Contact@afkashacabka.com