Dhakhaatiirta Waddanka Ingiriiska Oo Balaadhiyay Shaqo Joojintii Ay Ku Jireen.

0
Thursday March 24, 2016 - 17:25:59 in by salman abdi
  • Visits: 681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhakhaatiirta Waddanka Ingiriiska Oo Balaadhiyay Shaqo Joojintii Ay Ku Jireen.

    Dhaqaatiirta Egland ayaa balaarinaya shaqo ka fadhiisi ay samaynayaan bisha danbe iyagoo ku dari doona caafimaadka deg dega inaysan qaban.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaqaatiirta Egland ayaa balaarinaya shaqo ka fadhiisi ay samaynayaan bisha danbe iyagoo ku dari doona caafimaadka deg dega inaysan qaban.


 

Waxay noqonaysaa markii ugu horaysay ee ay dhaqaatiirta ay diidaan inay sameeyaan adeega caafimaadka ee deg dega iyo xaalada qatarta ah. Shaqo joojinta ayaa ilaa hadda ku ekeed adeegyada kale ee caafimaadka sida qaliinka iyo baaritaanada.

Ururka dhaqaatiirta Britishka ee BMA, ayaa sheegay inaysan haysan si kale oo ay dowladda uga hortagaan qorshaha ay ku bilaabayso heshiiska cusub ee shgaqada.

Shaqo ka fadhiisiga ayaa dhici doona 26 iyo 27 April, siddeeda subaxnimo ilaa shanta galabnimo.

Taas ayaa micnaheedu yahay in dhaqaatiir taqasuska ah laga keeno isbitaalada si loo helo shaqaale caafimaadka deg dega, iyadoo dib loo dhigi doono adeegyo badan.

Wasaarada caafimaadka ayaa ku tilmaantay talaabadan shaqo ka fadhiisiga mid masuul daro ah oo dhibaato u keenaysa bukaanka.