Daawo:Munaasibada Balaadhan Oo Lagu Soo Dhaweeyey Taageerayaal Tiro Badan Oo Ku Soo Biiraay xisbiga ucid Magaalada Burco+Sawiro

0
Thursday March 24, 2016 - 17:33:50 in by Burco Office
  • Visits: 901
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Munaasibada Balaadhan Oo Lagu Soo Dhaweeyey Taageerayaal Tiro Badan Oo Ku Soo Biiraay xisbiga ucid Magaalada Burco+Sawiro

    Burco(AFKA)Munaasibaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay soo buux dhaafiyeen taageerayaasha baaxadda leh ee Xisbiga Ucid ayaa waxaa Xisbigu ku soo Dhaweenayay Taageerayaal Xisbigaasi ku soo biiray .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA)Munaasibaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay soo buux dhaafiyeen taageerayaasha baaxadda leh ee Xisbiga Ucid ayaa waxaa Xisbigu ku soo Dhaweenayay Taageerayaal Xisbigaasi ku soo biiray .


Waxaanay Munaasibaddani ay ka dhacday Magaalada Burco iyadoo ay ka soo qeyb galeen Masuuliyiin kala duwan oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , Saraakiisha ugu sareesa Xisbiga Ucid , Madax Dhaqameed ka soo kicitimay Gobolada Sool , Sanaag iyo Buuhoodle iyo Taageerayaal kale .

Ugu horeen waxaan halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Ee Xisbiga Ucid Mudane Aadan waxaanu si kal iyo lab ah u soo Dhaweeyay taageerayaasha Xisbiga ku soo biiray .

Waxaa iyaguna halkaasi Ka hadlay Gudoomiye ku Xigeenka Sool/Buuhoodle Ee Xisbiga Ucid Mursal Maxamed Ismaaciil Iyo Gudoomiyaha Xidhiidhka Gobolada Bari Ee Ucid Axmed Khaliif Caabi waxaanay si isku mid ah Xisbiga Ugu soo Dhaweyeen Taageerayaashaasi .

Sidoo kale waxay muujiyeen taageerada ay xisbiga u hayaan iyagoo sheegay in bulshada ku dhaqan Gobolka Sool ay cududdooda iyo Codkoodaba ay ku hubsanayaan Xisbiga Ucid .

Caaqil Cabdi Jaamac Ducaale (Gaas) , Caaqil Cabdi Maxamed Jaamac , Suldaan Kayse oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay sheegeen in Xisbiga Ucid yahay xisbiga ugu haboon in uu talada dalka ku guuleesto .

Gudoomiyaha Uk Ee Xisbiga Ucid Mudane Siciid Ucid oo hadlay ayaa bulshada bariga Somaliland si adag ugu dardaaray in ay is muujiyaan oo ay Diinwaangalinta galaan .

Sidoo kale Xisbiga Ucid wuxuu ku tilmaamay Xisbi u taagan had iyo jeer dhismaha qaranka iyo sdiii looga hor tagi lahaa wax kastoo hagar daameenaya Somaliland .

Gunaanadkii xafladaasi waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe waxaanu sheegay in ay Xisbiga ku soo Dhaweenayaan Taageerayaasha ku soo biirtay , waxaanu ka waramay Taariikhda Xisbiga Ucid iyo Magaalada Burco .

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ku booriyay Bulshada ku Dhaqan Gobolada Bariga gaar ahaan , Gobolada Sool Iyo Buuhoodle in ay diinwaangalinta galaan oo ay is muujiyaan .

IMG_8143IMG_8153IMG_8155IMG_8156IMG_8163IMG_8164IMG_8169IMG_8174IMG_8176IMG_8179IMG_8182IMG_8190IMG_8191IMG_8192IMG_8198IMG_8200IMG_8210IMG_8213IMG_8215IMG_8216IMG_8222IMG_8231IMG_8237IMG_8251IMG_8252IMG_8257IMG_8259IMG_8263IMG_8274IMG_8276IMG_8335IMG_8336IMG_8348IMG_8349IMG_8381IMG_8385IMG_8417IMG_8432

 Cabdirisaaq Cabdilaahi Aadan Koronto

Afkashacabka /Burco Office