"Waan Soo Dhawaynayaa In KULMIYE Laga Saaray Shantaas Xubnood" Xildhibaan Nacnac -

0
Saturday March 26, 2016 - 08:09:27 in by salman abdi
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waan Soo Dhawaynayaa In KULMIYE Laga Saaray Shantaas Xubnood" Xildhibaan Nacnac -

    Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka tirsan Mudaneyaasha aqalka wakiiladda Somaliland, ayaa soo dhaweeyay tallaabadii xisbiga KULMIYE lagaga saaray shan xubnood oo ka tirsanaan jiray xisbigaasi isla markaana ahaa Wasiirradii iska casilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka tirsan Mudaneyaasha aqalka wakiiladda Somaliland, ayaa soo dhaweeyay tallaabadii xisbiga KULMIYE lagaga saaray shan xubnood oo ka tirsanaan jiray xisbigaasi isla markaana ahaa Wasiirradii iska casilay xukuumadda dabo-yaaqadii sanadkii hore.


"Waan soo dhaweynayaa tallaabada xisbiga KULMIYE lagaga saaray shan xubnood. Xubnahani laba khalad ayay galeen. Khaladka hore waxa uu ahaa inay iman waayeen shirkiiXildhibaan Nacnac oo ka mid ah Mudaneyaasha ka soo baxay xisbul xaakimka KULMIYE ee laga soo doortay gobolka Maroodi-jeex, waxa uu sheegay inay sharci tahay tallaabada xubinimadii xisbiga lagaga saaray shan xubnood oo ka mid ahaan jiray Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Golaha dhexe ee xisbiga. Haddana waxay la baxeen isbahaysi oo aan sharci ahayn oo aan dalkaba ka jirin,”ayuu ku dooday Axmed Maxamed Diiriye.

 

Xildhibaan Nacnac, waxa uu xusay in ay ahayd in xilli horeba laga saaro xisbiga xubnahan. "Waxay ahayd in laga saaro xisbiga wakhti horeba, tallaabadanna waa laga tashaday, waana mid sharci ah.”

"Haddii ay xisbi kale wada hadal la fureen waa sax in xisbiga laga saaro,”ayuu sheegay Xildhibaan Nac-nac oo caawa u warramayay idaacadda dawladda ee Radio Hargeysa.

xubnaha xisbiga laga saaray Siyaasiyiinta xisbiga laga saaray ayaa kala ahaa Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Xuseen Axmed Caydiid, Faarax Cilmi Geedoole iyo Cali Cabdi Saa’iq, waxaanay ka mid ahaayeen Wasiirradii iska casilay xukuumadda ee ka biyo diiday in Murrashaxnimadda madaxweynaha xisbiga KULMIYE aan lagula tartamin Muuse Biixi Cabdi oo xilka Murrashaxa xisbiga loo doortay 10 November 2015, halka Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) isna loo doortay murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenka KULMIYE uga qeyb geli doona doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan Bisha March ee 2017-ka.

Xubnaha isbahaysiga dimuqraadiyad doonka KULMIYE, ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen xalay waxay ku tilmaameen tallaabadii xisbiga lagaga saaray shan xubnood mid sharci darro ah oo ka turjumaysa wax ay ku tilmaameen siyaasadda gurracan ee Muuse Biixi Cabdi.  


Contact@afkashacabka,com