Xuska 18-ka May Oo Noqonaya 23aad Ee Shacabka Jamhuuriyaddu U Diyaargarobayaan qabashada xuska + Daawo Sawirro
Dadwaynaha Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan reer Somaliland, ayaa si weyn ugu diyaar-garoobaya xuska 23 guurada Madax-banaanida Somaliland ee xuska 18-ka May, kaasi oo ku beegan Axadda sahan dambe
Dadwaynaha Magaalada Hargeysa, ayaa yar iyo weynba si isku mid ah ugu diyaar-garoobaya xuskaasi, waxaana qof kasta uu iibsaday calanka Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo carruurta yaryar sida iida oo kale loogu soo iibiyey direys ka samaysan calanka saddexda Midab ah ee Somaliland.
Waxaana suuqyada Magaalada Hargeysa iyo guri kasta oo meherad ah sudhan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo sidoo kalena jidadka Magaalada Hargeysa uu ka dilaacay suuq si gaar ah loogu iibinayo calanka Somaliland, oo qabab kale duwan loo sameeyay, sida saraawiil, Shaadhadh, koofiyado, calanka oo si caadiya ah, calanka oo loo farsameeyay qaabab kale duwan oo aad u qurux badan.
Sida dadku ugu mashquulsan yihiin soo iibsiga calanka Somaliland iyo sida dadku gaadiidkooda uga luleen calanka, ayaa waxa muuqanaysa in xuska 18-ka May uu noqday iida saddexaad ee Somaliland laga ciido (Ciida Soon, Ciidda Carafo Iyo Ciidda 18-ka May), waa marka la eego sida loogu diyaar-garoobayo ama dadku u qiimanaynayaan.
Dhanka kale, Xuskan ayaa suuq weyn u sameeyay dawaarlayaasha (Harqaanka), waxaana wakhtiga adag in dawaarluhu uu kuu talo shaadh, waxayna dhammaantood ku mashquulsan yihiin tolida dharka ka samaysan calanka Somaliland.
Afkashacab.com
Hargaysa/Office
Contact@afkashacabka.com

0 