Real Madrid Oo Camp Nou Ku Soo Garaacday Barcelona Iyo Zidane Oo Clasico-da Guul Ku Furtay

0
Sunday April 03, 2016 - 08:19:37 in by Burco Office
  • Visits: 998
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo Camp Nou Ku Soo Garaacday Barcelona Iyo Zidane Oo Clasico-da Guul Ku Furtay

    Barcelona(AFKA)Real Madrid ayaa guul soo laabsho ah ku soo gaadhay Camp Nou kadib markii gool uu Pique dhaliyay uu Benzema kansalay laakiin Cristiano Ronaldo ayaa aduunka tusay in uu wali yahay ciyaartoy go'aanmin kara kulanka Clasico-da wuxuuna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barcelona(AFKA)Real Madrid ayaa guul soo laabsho ah ku soo gaadhay Camp Nou kadib markii gool uu Pique dhaliyay uu Benzema kansalay laakiin Cristiano Ronaldo ayaa aduunka tusay in uu wali yahay ciyaartoy go'aanmin kara kulanka Clasico-da wuxuuna Los Blancos u horseeday guul muhiim ah

. Guuladarada Barcelona soo gaadhay ayaa soo gabagabaysay 39 kulan oo ayna wax guuldaro ah soo arkin. Waa kulankii ugu horeeyay ee ay BBC shaxda Madrid kuwada bilawdeen oo ay Real Madrid guul ka gaadhay Barcelona. BBC ayaa qariyay wacdarihii xili ciyaareedkan ee MSN, wuxuuuna caawa dabaal degu ka soconayaa caasimada Spain ee Madrid si ka duwan kulankii horaantii xili ciyaareedkan.

Barcelona ayaa Camp Nou ku soo dhawaysay kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Real Madrid, waxayna labada kooxood ciyaarayeen kulankoodii 231 aad ee Clasico-da.d u tarmayaan saddexda dhibcood ee Camp Nou yaala kadib markii ay Barcelona ay kulankii hore ee Bernabeu ay 4:0 ku soo qaadatay saddexdii dhibcood ee Bernabue yaalay.Real Madrid ayaa Barcelona soo booqatay iyada 10 dhibcood ka danbaysay, waxaana kulankiisii ugu horeeyay ee Clasico-da isaga oo tababaraha Madrid ah kulankan Madrid maamulayay Zidane.Barca star Lionel Messi shakes hands with Real Madrid forward Cristiano Ronaldo as the pair get ready for El Clasico

Barcelona ayaa doonaysa in ay ugu yaraan sii ilashato rekoodhkeeda guuldarada ah iyada oo sidoo kale ku fikiraysay in ay guul kulankan gaadhaan si ay ugu sii dhawaadaan hanashada koobka La Ligaha. Dhinaca kale Real Madrid ayaa ku fikiraysay in ay iska maydho ceebtii kulankii Bernabeu isla markaana ay soo yarayso farqiga dhibcaha ee ay Barcelona ka horaysay.

Luis Enrique ayaa sidii caadada u ahayd goolkiisa ku soo bilaabay Claudio Bravo,waxaana afarta difaacaah ku wada jiray Pique,Alba, Alves iyo Mascherano iyada oo khadka dhexe ay kuwada bilawdeen,Busquets, Iniesta, Rakitic waxaana sidii layska filayay weerarka ku wada jira Messi, Suarez iyo Neymar.

Dhinaca Madrid sidii layska fahansanaa Zidane ayaa goolkiisa ku soo bilaabay Keylor Navas, waxaana afarta difaaca ah kuwada bilawday Carvajal, Pepe, Ramos iyo Marcelo waxaana booska burburiyaha ku bilawday Casemiro waxaana khakda dhexda kaga hor ciyaarayayModric iyo Kroos. Sidii la filayayBale, Ronaldo iyo Benzema ayaa safka weerarka ku wada bilawday.Ka hor intii ayna ciyaartu bilaamin ayaa xus loo sameeyay Johan Cruyff.Barcelona-Real Madrid en imágenesBarcelona-Real Madrid en imágenes

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

BARCELONA(4-3-3):ClaudioBravo, Gerard Pique,Jordi Alba,Dani Alves, Javier Mascherano , Sergio Busquets, Andres Iniesta, Ivan Rakitic, Lionel Messi, Neymar da Silva iyo Luis Suarez

KAYDKA:Ter Stegen, Turan, Rafinha, Bartra, Munir, Sergi Roberto, Vermaelen.

REAL MADRID(4-3-3):Keylor Navas, Daniel Carvajal, Pepe, Sergio Ramos, Marcelo, Casemiro, Toni Kroos, Luka Modric, Gareth Bale, Cristiano Ronaldo, Karim Benzema

KAYDKA:Casilla, Nacho, James Rodriguez, Lucas Vazquez, Jese, Isco, Danilo

Barcelona ayaa sidii caadada u ahayd ciyaarta ku bilaabatay kubbad hayn iyada oo Real Madrid ay taxadar badan ka muujinaysay in ay si deg deg ah kubbada u doonato. Barcelona ayaa si samir badan kubbada u wareejinaysay waxayna raadinaysay in ay Madrid qaladaad samayso balse difaaca Madrid ayaa ahaa mid aad iskugu xidhan.

Daqiiqadii 10 aad jamaahiirta Barcelona ayaa bilaabay in ay u dabaal dagaan wax u muuqday goolka furitaanka Barcelona kadib markii uu Luis Suaerz helay fursad dahabi ahayd waxaana kubbada lagu siiyay goolka Madrid hortiisa laakiin kubbada la soo karoosay ayaa Suarez si sahlan ku dhaaftay. Xaqiiqadii waxay ahayd fursadihii qaybta hore ugu halista badnaa oo gool loo fishay.Barcelona-Real Madrid en imágenes

Ciyaarta ayaa qaybteeda hore ayaa inta badan ahayd mid aan si dhab ah loogu dhiiran karin in la qaado weeraro joogto ah waxayna labada kooxood ay taxadar ka muujinayeen in ay wax qaladaad ah sameeyaan. Inkasta oo ay Barcelona ahayd kooxda kubbada ugu badan haysatay isla markaana markaasta raadinaysay sidii ay fursado u abuuri lahayd haddana fursadaha halista ah ayaa iska yaraa.

Daqiiqadii 20 aad markale Barcelona ayaa heshay fursad halis badan kadib markii uuRakitic darbo dhaw uu ku tuuray goolka Real Madrid laakiin goolhaye Keylor Navas ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah wuxuuna iska saaray halistaRakitic.

Daqiiqadii 24 aad garsooraha ayaa go’aan wayn gaadhay kadib markii uu Lionel Messi kubbad weerar deg deg ah uu kubbad la soo gaadhay cidhifka xerada ganaaxa Madrid laakiin kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa naftiisa iyo kooxdiisa halis galiyay kadib markii uu qalad ku galay Messi laakiin garsooraha ayaana waxba tilmaamin. Qaqlada jamaahiirta Barcelona ayaa garoonka kaga gariirisay waxayna u muuqatay in Ramos uu nasiib lahaa.El Camp Nou reclamó penalti de Sergio Ramos sobre MessiBarcelona-Real Madrid en imágenesBarcelona-Real Madrid en imágenes

Daqiiqadii 25 aad Cristiano Ronlado ayaa kubbada kala soo xarooday dhinaca midig wuxuuna kubbada ku darbeeyay lugtiisa bidix isaga oo waliba darbo xoogan tuuray laakiin Claudio Bravo ayaa kubbad dib iskaga soo dhirbaaxay, waxayna Real Madrid bilawday in ay fursado fiican abuurto.Barcelona-Real Madrid en imágenes

Farsamada labada kooxood ayaa ee taxadarka u badnayd ayaa keentay in qaybta hore ee kulanka El Clasico-du uu noqdo mid aan goolal layska dhalin, waxayna qaybta hore labada kooxood kula nasteen barbaro gool la’aan ah.Barcelona-Real Madrid en imágenes

Markii lays kugu soo laabtay qaybta danbe ciyaarta ayaa noqotay mid xamaasadeedu ay sare u kacday waxayna labada kooxooxdab bilaabeen in ay raadiyaan goolka guritaanka. Labada kooxoodba fursad abuuris fiican bilaabay taas oo ciyaarta ka dhigtay mid goolal laga filan karo.Navas ayaa darbo layaableh ka badbaadiyay Messi waxayna ciyaartu noqtay mid diirtay oo xiiso badan yeelatay.

DAQIIQADII 56 aad Barcelona ayaa ugu danbayn jabisay ismari waagii waqtiga dheer soo taagnaa kadib markii uu gool qurux badan oo madax ah ku dhaliyay kubbad uu Ivan Rakitić ka soo tuuray koore, Navas ayaa ka war helay kubbada oo shabiqiisa galaysa laakiin qaladka ugu wayn waxaa sameeyay Pepe oo ilaashanayay Pique , waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Barcelona hogaanka kula wareegtay.Pique did well to lose his marker Pepe and met IvanRakitic's corner head on for the opening goal of the contest

Pique is saluted by Barca team-mate Neymar as his 56th-minute effort put the Catalan giants into a second-half lead

DAQIIQADII 62 aad hogaanka Barcelona waa markiiba soo gaba gabeeyayKarim Benzema kaas oo indhaha ku xaday gool layaableh oo uu ku dhaliyay qaab laba lugoodlay ah, wuxuuna kooxdiisa Madrid ka dulqaaday culayskii ka soo gaadhay goolka looga hormaray, wuxuuna ciyaarta ku soo celiyay barbaro 1:1 ah. Ciyaarta ayaana markale dib u furantay.

Karim Benzema gets the visitors back into the contest with an acrobatic effort in the Barca boxFrench strike Benzema celebrates his 21st La Liga goal of the season to leave both sides level heading into the final 30 minutes of the tie

Labada kooxood ayaa markan bilaabay in ay raadiyaan goolka labaad laakiin markan Real Madrid ayaa wacdaro cusub la soo baxday waxayna bilawday in ay si cajiib ah ku raadiso goolka labaad. Gareth Bale ayaa shabaqa soo taabtay balse dabaal deg kadib calanwadaha ayaa tilmaamay in Bale uu difaaca qalad ku galay. Wax yar kadib Ronaldo ayaa birta u garaacay Barcelona.

Daqiiqadii 83 aad Sergio Ramos ayaa galay qalad doqoniimo ah isaga oo haystay kaadhka digniinta ah wuxuuna garsooraha u diiday in uu haysto wax kala doorasho ah, waxaana loo taagay kaadhka labaad ee digniinta ah iyada oo loo raaciyay kaadhka cas, waxayna Real Madrid 7 daqiiqo ee ciyaarta ugu danbaysay ay ku ciyaraaysay 10 ciyaartoy.Ramos ayaa marar dhawr ah soo badbaadiyay basle ugu danbayn ciyaarta ayaa laga saaray.Real defenderSergio Ramos (second left) was sent off in the 82nd-minute for rash challenge on Luis Suarez

WAQTIGII CIYAARTA: 85 aadCristiano Ronaldo dos Santos ayaa dhaliyay goolka labaad ee Real Madrid guusha dahabiga ah u horseeday isaga oo waliba si degan oo qurux badan ku dhamaystiray kubbad uu soo karoosay Gareth Bale, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2:1 ay Madrid dhanaca kale ugu dhitay natiijada ciyaarta.Despite pressure from Javier Mascherano (left) and Pique, Cristiano Ronaldo fires home the winner with five minutes remaining

Barcelona ayaa ilaa dhamaadkii ciyaarta ku dadaalaysay in ay la timaado goolka barbaraha laakiin kooxda Enrique ayaa ku fashilantay in ay wax gool ah oo danbe ay la timaado, waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 2:1 ay Madrid ku soo garaacday kooxda ay colaada wayni kala dhaxayso. Ronaldo iyo Benzema ayaa Real Madrid ku soo hogaamiyay guul ay ku soo gabagabeeyeen rekoodhkii guuldaro la’aanta ee Barcelona.Real Madrid ayaa farqiga dhibaca u dhexeeya Barcelona ku soo koobtay 7 dhibcood.